Ra’iisul wasaare Xamza oo booqday Buulo-Xaaji & Ciidamada Macawisley Oo Jab weyn gaarsiiyay

30″July”2024

Ra’iisul wasaare Xamza oo booday deegaanka Buulo-Xaaji & Ciidama Macawisley oo jab xoogan ugu sh/dhexe Al-Shabaab

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ay wehlinayaan taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeyya Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed Sarreeya Guuto Sulub Axmad Firin ayaa maanta booqday deegaanadii lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose

Mas’uuliyiintan oo qayb ka ah wafdiga ra’iisul wasaare Xamza ee maanta gaaray Kismaayo ayaa galabta tegay deegaanada Buulo-Xaaji iyo Harboole oo dhawaan lagu jabiyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayay inay weeraraan halkaasi.

Wasiirka iyo taliyeyaasha ayaa kormeeray xerooyinka ciidamada iyo difaaca hore, iyaga oo dhiirogeliyay ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ee jilibka u dhigay Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay ugu hambalyeeyeen dhammaan taliyeyaasha, saraakiisha iyo ciidanka sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen weeraradii ugu yimid Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay u ballan qaadeen inay heli doonaan garab istaag iyo in laga jawaabo baahiyahooda gaarka ah ee ay qabaan ciidamada labada heer.

Ra’iisul wasaare Xamza oo isna arrintan u tegay Jubbaland ayaa lagu wadaa inuu u tego ciidamadaas, si uu dhiirogeliyo, una booqdo deegaannada la xoreeyay.

Jubbaland ayaa waxaa hadda ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa maamulkaas oo deegaano dhowr ah looga xoreeyay Al-Shabaab.

Dhinaca kale Ciidanka Macawiisleyda oo jab culus gaarsiiyay Shabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Macawiisleyda ay weerar culus ku qaadeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa galbeedka gobolkaasi.

Macawiisleyda ayaa beegsaday faiirimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen aagga deegaanka Gamboole, waxaana halkaas ka dhacay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka deegaanka Gamboole Daahir Maxamed Cismaan ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay tuulada Moora Ciise, isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi.

Daahir Maxamed Cismaan ayaa sheegay in dagaalkaas lagu jabiyay Al-Shabaab, isla markaana lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida uu hadalka u dhigay.

Daahir Maxamed Cismaan ayaa sheegay in dagaalkaas lagu jabiyay Al-Shabaab, isla markaana lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida uu hadalka u dhigay.

“Gaari caasi ah iyo mooto ayay ka carareen, waana jiraa khasaare kale oo dhimasho iyo dhaawacba leh, laakiin horay ayay u qaateen” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenku.

Xaaladda ayaa haatanah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada ay isku fidiyeen deegaanada Daarusalaam iyo Jameeco oo u dhow aagga lagu dagaalamay, iyaga oo sii baacsanaya maleeshiyaadka Al-Shabaab ee laga saaray halkaasi.