Salaam Somali Bank ayaa door muhiim ah ka qaadatay Bandhiga Jiilka Maanta oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Salaam Somali Bank ayaa door muhiim ah ka qaadatay Bandhiga Jiilka Maanta ooy soo agaasitay heyadda Elman Peace And Human Rights Centre.

Bandhigga Jiilka Maanta oo ka dhacay Beerta Benaadir ayaa intii uu socday qaar ka mid ah macamiisha Salaama Somali Bank ay ka faa’ideysteen qiimo dhimista kaararka Visa iyo Mastercard.

Dhalinyarada ka soo qeybgashay festivalka Jiilka Maanta ayaa muujiyay sida ay heeganka ugu yihiin horumarinta dalkooda iyo dadkoodaba.