M/weynaha Itoobiya ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoontay safiir la sheegay In Abiy uu, u soo magacaabay Somaliland

2-July-2024″Madaxweynaha Itoobiya ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoontay safiir la sheegay in Abiy u soo magacaabay Somaliland

Ethiopia xaafiiskeedii qunsuliyad ee magaalada Hargeysa u dalacsiisay heer safaaradeed iyadoo uu sii xoogeeysanayo xiisada dhinaca bada dariskeeda Somalia

Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu shaaciyay in guddigan oo heer wasiirro ah loo magacaabay aqoonsi raadinta.

“Somaliland waxay maanta tallaabo weyn u qaaday dhanka aqoonsiga caalamiga ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa dhistay guddi heer wasiirro ah oo ka shaqayn doona aqoonsi raadinta,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda oo uu la socdo sawirka madaxda Itoobiya iyo Somaliland oo saxeexaya heshiiskii isfahan ee badda.

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay ujeedka dhismaha guddigaan oo ah “si loo qaabeeyo loona hirgeliyo dadaallada lagu raadinayo aqoonsi.”

Qoraalkan ayaa sidoo kale imanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay uu magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd, oo la sheegay inuu ka shaqaynayo soo gaba-gabeynta is-fahanka badda ee Somaliland iyo Itoobiya

Talaabadan ayaa ku soo aadeeysa iyada oo Maamulka Somaliland uu ku dhowaaqay dhismaha guddi cusub oo loo xil-saaray howlaha aqoonsi raadinta, oo Somaliland in ka badan 30 dunida ka baadi-goobeysay.