Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka “Dowladdu waxa ay labo jibaari doonta Gurmadka Shacabka”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka “Dowladdu waxa ay labo jibaari doonta Gurmadka Shacabka”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta Guddoomiyay kulan looga hadlaayay sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa shacabkii xalay khawaarijta ku xasuuqday Xeebta Liido.

Sidoo kale waxa kulankan ka qayb ahaa Wasiirrada Warfaafinta,Waxbarashada, Caafimaadka,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo masuuliyiin kale

Waxa Shirkan Wasaaradda cafimaadka iyo hay’adda SoDMA looga dhagaystay xalaadihii u dambeeyey iyo khasaaraha uu geystay Qaraxu kaas oo ah 32 dhimasho ah iyo 63 dhaawac ah.