Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixisanimo ee xeebta Liido

3-Aug-2024″ Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixisanimo ee xeebta Liido

Safaarada Mareykanka ee Somalia ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixisanimo ee shalay dad rayid ah lagu laayay oo ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Safiirka marykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri” Waxaan tacsi u direynaa ehelada dhibanayaasha waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah kuwa dhaawacmay.

Qoraalka oo la soo dhigay barta safaarada Mareykanka ee Muqdisho ay ku leedahay X ayaa sidoo kale lagu yiri “Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa dan guud ka leh horumarinta nabadda iyo barwaaqada”

Hadalka safaarada Maraykanka ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey “Waxaa naga go’an inaan taageerno dadaallada Soomaaliyeed ee lagu jabinayo al-Shabaab waa mid aan leexleexad lahayn. 🇺🇸🇸🇴

Wasaarada caafimaadka Soomaaliya oo faahfaahin ka bixsay tira koobkii u danbeeyay ee qasaaraha qaraxaasi ayaa sheegtay in Isbitaalada magaalada Muqdisho la gaarsiiyay 247-qof, dadka xaaladahooda ay fududeyd ee guryahooda aaday ayuu ku sheegay in ay yihiin 137-qof.

Sidoo kale wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in xaaladdoodu ay liidato 11-qof, halka kuwa bukaan jiifka ah ee isbitaalada wali ku jira ay yihiin 64-qof, iyadoona dhimashada ay gaartay 37-qof sida uu wasiirka caafimaadka Soomaaliya ku sheegay tirakoobkii u danbeeyay ee ay dowladda sameysay.