Daawo: Banaanbax ka dhan ah ficilada gurracan” Alshabaab ayaa lagu qabtay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho,

Banaanbax ciwaankiisu yahay “Ololaha ciribtirka Khawarijta iyo naqdinta ficiladooda gurracan” ayaa lagu qabtay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, halkaas oo habeenkii Jimcaha ay Khawaarijtu ku beegsatay shacab aan waxba galabsan.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda oo isugu jira xildhibaano, wasiirro, maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay banaanbaxaas.