Shirkii 22-aad ee wasiirada maaliyadda Dowladda Dhexe Iyo Dowlad-Goboleedyada Oo Muqdisho Ka Furmay

6″Aug”2024″ Shirkii 22-aad ee wasiirada maaliyadda Dowladda Dhexe Iyo Dowlad-Goboleedyada Oo Muqdisho Ka Furmay Iyadoo Puntland ay wali Maqan tahay

Kulanka waxaa ka maqan oo aan ka soo qayb-galin wasiirka Mlmaaliyadda Puntland oo ka mid ahaa wasiiradii lagu casuumay shirka, balse aa imaan Muqdisho, sababo la xiriira khilaafka weli maamulkan kala dhexeeyo dowladda federaalka, kaas oo saameeyay wada shaqeynta labada dhinac.

Ujeedka shirkan ayaa ah mid looga wada-tashanayo arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka maamulka maaliyadda dalka, qeybsiga kheyraadka iyo mideynta cashuuraha, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaiya Biixi Imaan Cige oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweyn kadib furitaanka shirka waxa uu dhageystay talooyinka wasiirada dowlad goboleedyada, isga oo uga jawaabay su’aallo la xiriira horumarinta maaliyadda iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale waxa uu wasiirku dhankiisa la wadaagay xubnaha ka qayb-galaya shirka horumarada laga gaaray maaliyadda dalka iyo dadaallada horumarineed ee ay hadda waddo dowladda Soomaaliya, taas oo ay ugu horeyso qaadista canshuuraha dalka oo muhiim u ah kobaca dakhliga kasoo xarooda gudaha dalka.

Shirka maanta u furmay dowladda dhexe iyo maamullad dalka ayaa socon doono muddo laba cisho ah, ayada la filayo in beri lasoo xiro, isla markaana laga soo saaro war-murtiyeed.

Si kastaba, dhowaan ayaa lagu wadaa in shir kan ka ballaaran ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, kaas oo ka dhici doono magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.