Laascaanood: Waa sidee xaaladda wiilka yar ee weli ku xanniban gudaha bullaacad uu shalay ku dhacay?

9-July-2024″ Magaalada Laascaanood waxaa shalay ka dhacday dhacdo ay dad badan si wayn uga argagaxeen.

Wiil dad’diisa lagu sheegay shan jir ayaa waxaa uu ku dhacay bullaacad ama boosaneer shalay galabtii, waxaana tan iyo xilligaasi socday howlo lagu samatabixinayo.

Intii howlaha samatabixinta socdeen waxaa halkaasi sidoo kale ku geeriyooday askari ka tirsanaa ciidamada dab-damiska.

Waxa goobtii ay dhacdadani ka dhacday u soo gurmaday qeybaha kal duwan ee bulshada iyo waliba laamaha ammaanka magaalada Laascaanood.

Sidee ayay wax u dhaceen?

Gurmadka

Wiilka ku dhacay Suuliga ayaa waxaa lagu magacaabaa Axmed Cabdullaahi Cabdisalaan Muuse.

Cabdullaahi Cabdisalaan Muuse oo ah aabbaha dhalay wiilka yar ayaa BBC u sheegay in dhacdadan ay dhacday shalay galabtii ilaa iyo imikana aan lagu guuleysan in la soo saaro wiilkiisa.

Cabdullaahi ayaa sheegay in wiilka yar iyo carruur kale ay ku wada ciyaarayeen meel u dhaw boosaneerka ka dib-uu wiilkiisa halkaasi ku dhacay.

“Isaga iyo ciyaal yaryar oo dariska ah ayaa wada ciyaarayay suuliga bannaanka ayuu ku yaalay suuliga afkiisana waasac ayuu ahaa, suuliga daasad iyo dhagax wayn ayaa afka uga daboolnaa ka dib wiilka wixii ayuu dhakada kaga istaagay wixii ayaana la go’ay,” ayuu yiri .

Cabdullaahi ayaa xusay in xanuunka ugu badan ee ay dareemayaan uu yahay in wiilkooda aysan nool iyo geeri midna ku hayn oo tan iyo shalay galab uu meesha ku jiro, ayna jeclaan lahaayeen in meydka uuna ay aastaan.

“Wax walba waa imtaxaanaad laakiin siyaabaha ay wax u dhacayaan ayaa sii welwal badan ileen waan la aasaa haddii uu qof kaa dhinto laakiin ilaa iyo shalay ilmahaagii oo oo aad si aad ula soo baxdo la’dahay waa dhibaato,” ayuu intaa ku daray.

Cabdullaahi ayaa sheegay in intii gurmadku socday ay mar kale la kulmeen dhacdo iyo geeri kale oo cabsi galisay dadkii kale ee howsha ku jiray taasi oo ahayd in mid ka mid ah dadakii soo gurmaday uu godka galay ka dib-na isaga oo meyd ah laga soo saaray.

“Maaddaama meeshu ay dunsanayd waxay ahayd in meeshu la baneeyo afkii aad looma baneyn ka dib waxaa la galiyay nin dab damiska ka tirsan isagii na qadar daqiiqado ah gudahood meyd ahaan ayaa looga soo saaray,” ayuu intaa ku daray.

Waxaa uu farta ku fiiqay in hadda aysan wax rejo ah ka qabin inuu nool yahay wiilkiisa, balse ay doonayaan uun in jirkiisa qeyb ka mid ah ay helaan si ay u aastaan.

“Adigu kolay go’go’ay meydka in uun lafihii koley wax isku yaalla la helo oo lagu samro oo la aaso aya jecleyn,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Waxaaa uu Cabdullaahi in uu intaa ku daray inuu ku sabrayo qadarka Alle isla markana ay 11 caruur ah oo kale ay u joogaan uuna aaminsan yahay in wiilka uu Alle ka qaatay uuna ku samrayo.

Boosaneerada uu wiilka kud hacay

Maxamuud Axmed Aadan oo ka tirsan saraakiisha booliiska maamulka Khaatumo oo BBC la hadlay ayaa dhankiisa sheegay in markii u warka soo gaaray ay gurmad sameeyeen si wiilka yar godka looga soo saaro, balse aysan ilaa iyo imika ku guuleysan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in intii holwgalku socday uu halkaasi uga geeriyootay hal askari.

“Ciidanka ammaanku waxa uu in badan isku dayay inuu ka soo saaro meesha ilmaha islamarkana ciidamada laamaha ammaanka askar ka tirsan ayaa intuu galay ka dib-na isagiina waa ku dhintay”

Maxamuud ayaa xusay in caqabadaha ugu wayn ee xilligan haysta ay ka mid yihiin qalab ku filan oo aysan haysan taasi oo sababtay in tan iyo xalay lagu guuleysan waayo howlaha samatabixinta.

“Caqabaduhu waxaa weeye qalab ma haysanno, booliiska ma haysto agabkii loogu talagalay dhacdadan oo akle haddii ay dhacdo si tuubooyiin, jaranjarooyin iyo qalabo kale ayaan jirin” ayuu inta ku daray Maxamuud.