Erdogan oovAbiy taleefanka kula hadlay ka hor kulanka Soomaaliya iyo Itoobiya ee la filayo

Sida lagu daabacay bogga madaxtooyada Turkigu ku leedahay barta X ee horay loo oran jiray Twitter, waxaa Khadka taleefanka kuwada hadlay madaxweynaha Turkiga, Rajeb Dayib Ordogan iyo ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyaga oo sida ay sheegtay madaxtooyadu ka wada hadlay arrimo ay ka mid tahay khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in madaxweyne Erdogan uu kala hadlay Abiy, sida ay Turkiga uga go’an tahay dhamaynta xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Madaxweyne Ordogan wuxuu ogyahay in talaabooyinka ay tahay Itoobiya in ay qaaddo ay yihiin kuwa meesha ka saari kara walaaca ay Soomaaliya ka qabto midnimadeeda, madaxbanaanideeda, iyo siyaadada dhulkeeda, taasina ay fududeynayso qorshaha,” ayaa lagu yiri warkan oo ay soo saartay madaxtooyada Turkigu habeenimadii xalay.

Todobaadka berri bilaaban doona ayaa la filayaa in dalka Turkiga uu ka furmo kulan ay isugu imaan doonaan wufuud ka kala socota Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo ka wada hadli doono sidii loo xallin lahaa khilaafka ka dhex taagan labada dawladood, sida uu shaaciyay wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay marin u yeelato badda, islamarkana ay Itoobiya qirto midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee soomaaliya” ayuu Hakan Fidan ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul Jimcihii.

Wadahadaladaan ayaa ka soo hormaray xilligii loo asteeyay markii hore oo ahayd bisha September ee soo socota. Waqtigaas ayaa loo gooyay kadib markii bishii July ay wadahadal aan fool ka fool ahayn ayeesheen labada dhinac oo ku wada sugnaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa waxa uu bilowgii bishaan August, booqasho ku gaaray caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed, isaga oo kala hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Booqashadaas ayaa waxay sheegtay dawladda Turkiga in ay qayb ka ahayd dhexddhexaadintii ay dawladdu Turkigu ka dhex waday wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib khilaafkii ka dhex dhashay labada dal ee ku aadanaa heshiiskii is afrgarad ee Itoobiya la saxiixatay Somailand bilwogii sanadkaan.

Sida ay sheegtay wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya, Turkiga ayaa waxa uu kala hadlay arimo ay ka mid yihiin khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo xaaladda gobolka k ahor inta uusan wasiirku u gudbin dhinac Masar oo iyana uu kala hadlay arimaha Soomaaliya.

Xildhibaanada Soomaaliya qaarkood oo ka hadlay shirkaan la filayo berri in uu ka furmo dalka Turkiga ayaa waxay sheegeen in Soomaaliya ay wali ku adkeysato go’aanadii ay hora yuga qaadatay heshiiska is afgaradka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku yiri, “Waa in dawladda Soomaaliya ay ku adkeysataa…In Itoobiya si cad oo aan mugdi ku jirin uga laabato Is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay Somaliland la saxiixatay, cadeysana in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya”.