Daawo: Hirshabelle ayaa faahfaahin ka bixisay khasaaraha kadhashay dabka ka kacay Suuqa Jowhar.

11-Aug-2024″ Hirshabelle ayaa faahfaahin ka bixisay khasaaraha kadhashay dabka ka kacay Suuqa weyn ee magaalada Jowhar.

Dab saakay ka kacay suuqa loo yaqaan Haaf-Bakaaro ee degmada Jowhar ayaa keenay khasaare hanti oo badan. Lama sheegin in cid wax ku noqtay. Ganacstada suuqa oo ka hadashay dabka saaay waxay dhammaantood sheegeen in khasaare hanti uu soo gaaray.

Mid ka mid ah dadkii hantidooda ku gubatay suuqa ayaa sheegtay in khasaare uu soo gaaray ganacsigooda.

“Gurigeena waxaa ku gubatay saddex makiinad, boqol loor oo sisin ah iyo saliiddi oo dhextaal”.

Sida la sheegay dhowr jeer ayuu dab ka kacay suuqa Jowhar, sanadkan gudihiisa labo jeer ayuu dabka baa’iyay suuqa.

Ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in la dabka la damiyo. Ma jiraan tallaabooyin muuqda oo looga hortagi karo hadii suuqa uu dab ka kaco ama wax looga qaban karo si loo yareeyo khasaaraha.