Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Kigali ee dalka Rwanda

11″Aug”2024″ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaya oo ka qeybgelaya caleema-saarka Madaxweynaha Dalka Rwanda Mudane Paul Kagame ayaa gaaray Magaalada Kigali ee Caasimadda Jamhuuriyadda Rwanda.

Madaxweynaha ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweyne Kagame, waxaa uuna ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Rwanda sida ay uga soo kabteen dagaalladii sokeeyee iyo qaran jabkii ku yimid dalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Rwanda soo dhaweynta diirran, isagoo adkeeyey muhiimadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal .