Ciidanka Masar ay codsatay in Soomaaliya la geeyo maxay uga dhigan tahay Itoobiya iyo gobolka?

Waxaa la shaaciyay in Masar ay u gudbisay codsi ah in ay ciidankeeda u soo dirto dalka Soomaaliya oo jaarka la ah Itoobiya, si ay qayb uga noqdaan qorshe nabad ilaalin ah.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan codsiga Masar ee ah in ciidamadooda ay u soo diraan Soomaaliya si ay ugu mid noqdaan kuwa nabad ilaalinta.

Ururka ayaa sheegay in marka lagu dhawaaqay in ciidamada Midowga Afrika ee Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ATMIS, lagu beddeli doono ciidamado cusub oo la yiraahdo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya sanadka 20205-ka.

Shir ay dhawaan yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Masar iyo Jabuuti ayay ku shaaciyeen inay u gudbiyeen codsi ah in ciidamadooda la geeyo Soomaaliya si ay u hoos yimaadaan ciidamadan cusub ee nabad ilaalinta ah

Labada dal ayaa muujiyay rabitaankooda ah in ciidamadooda loo geeyo Soomaaliya howlo nabad ilaalin ah xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ka baxaan dalka.

Haddii dalabkan Masar la xaqiijiyo, ATMIS-na waqtigeedi howlgaku dhammaanayo sanadka 2024-ka, waxay ka dhigan tahay in ciidamada Masar la geyn doono Soomaaliya bilowga sanadka 2025-ka.

Haddaba, maxaa Al-Sisi ciidamadiisa ugu dirayaa Bariga Afrika? Maxayse diritaanka ciidanka Masar ugu dhigan tahay Soomaaliya, Itoobiya iyo gobolka.

Masar maxay u rabtay inay xilli danbe timaado

Sida uu qabo Matt Bryden, oo si dhow ula socda siyaasadda bariga Afrika, su’aasha ubucda ah ayaa ah sababta ay Masar ugu baahatay inay ciidamadeeda u dirto Soomaaliya, hadda.

Matt, oo ah la taliye arrimaha Istraatijiyada ee xarun cilmi baaris, ayaa sheegay in soddonkii sano, aan la arag Masar oo leh waxaa u miciinaynaa Muqdisho marki ay Soomaaliya doonaysay in a caawiyo.

“Al-shabaab waxay weeraro ka gaysteen Soomaaliya iyo wadamada deriska la ah sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti. Tanoo jirta wadamadani waxay ciidamado u direen Soomaaliya, si kasta oo ay ahaatana al-shabaab waligeed ma weerarin Masar”

Muddo ka badan tobankii sano intii muranka Masar kala dhaxeeyey Itoobiya kaas oo ku saabsan Dhaamka Dhammaadka ku dhow ee Grand Renaissance Dam, Soomaaliya waxay ogtahay in Itoobiya ay xoojisay xiriirka ay la leedahay Somaliland.

Laakiin Itoobiya ayaa kharash ka badan kuwa dalalka kale ku bixisayo weeerada Al-shabaab, kuwaas oo madax xanuun ku ah dowladda Soomaaliya. Kaas oo ay sidoo kale ku ilaalinayso kuna taagerayso dowladda somali iyadoo u daabushay tiro badan oo ciidamdeed ah.

Matt Bryden, waxaa u qabaa in Masar oo Juquraafi ahaan ka fog Soomaaliya, ay madax xanuun ku noqon doonto Masar, nabad la’aanta Muqdisho ee sababta ay u yihiin al-shabaab.

Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya iyo Masar ay ka wada tirsan yihiin Midowga Afrika iyo Jaamacada Carabta, ayna leeyihiin xiriir taariikhi ah kaas oo ama ha hooseeyo ama ha sarreeye isku soo dhaweynaya.

Maxay Masar u doonaysaa inay u gasho Soomaaliya?

Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ayaa bilowga sanadkan heshiis is afgarad ah la galay Jamhuuriyada iskeed Madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland kaas oo ay doonayeen inay helana marin biyood ganacsi si ay u xoojiyaan awooddooda badda.

Haddii heshiiskaasi fulo, Itoobiya oo shacab iyo dhaqaale aad u badan waxay door ku yeellan doontaa badda cas, waxayna masraxa ku soo kordhin doontaa awood dheeraad ah.

Dr.Abel Abate, oo xubin ka ah Chatham House, oo ah machad caalami ah oo cilmi baaris ah, ayaa sheegay in sababta Qaahira ay ugu baahan tahay inay ciidamadeeda u soo dirto Soomaaliya ay ku sheegeen in doonayaan inay eegaan arrimaha ganacsiga iyo kuwa taariikheed ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Tani waxay u abuuri doontaa xaalad wanaagsan Masar, oo raadinaysay saaxiibka gobolka oo hagaajin kara taariikhdeeda Itoobiya ee la xiriira biyo xidheenka Renaissance,” ayuu yidhi Abel

Masar ma ka heli doonta Soomaaliya faa’iido ka badan tan Itoobiya

diyaarada Masar

Danaha Masar iyo Jabuuti ee ah in ciidamadooda la geeyo ayaa ahaa horumar la soo dhaweeyay iyadoo howlgalka ATMIS-ka waqtigiisu dhammaanayo ciidamada cusubna ay wajahayaan caqabado dhanka maaliyadda ah.

Maxamed Mukhtaar, oo ah falanqeeye arrimaha Soomaaliya ah horreyna wasiir ugu soo noqday Soomaaliya ayaa sheegay in haddii ciidamada Masar oo la keeno Soomaaliya ay xoojin doonnaan xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Waxaa la filayaa in heshiiska Militari ee ay gaareen Masar iyo Soomaaliya loo gudbin doono golaha wasiirada Soomaaliya.

Tanina waxay timi iyadoo dhawaan shirkada diyaaradaha ee Egyptian Airlines ay daahfurtay duulimaadyadeeda Muqdisho taas oo muujisay xirirka labada inuu durbta noqonay mid xoogaysanaya.

Mukhtaar, wuxuu intaa ku daray in ciidamada Masar ee la keenayo Soomaaliya ay khibrad weyn la wadaagi karaan ciidamada Soomaaliya dadaallada lagu burburinayo Al-Shabaab iyo xaqiijinta nabadda Soomaaliya.