Busbuska oo lagu arkay dalal deris la ah Somalia

Ka dib xanuunka ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, ee Busbuska, ayaa la sheegayaa in xanuunkaasi uu si weyn ugu faafay meelo badan oo bariga iyo badhtamaha Afrika ah.

Meelaha lagu arkay xanuunkaas waxaa ka mida dalalka Uganda iyo Kenya oo Soomaaliya la deris ah, kuwaas oo dadkoodu ay si weyn isu dhex socdaan.

Busbuska MPOX ayaa u talaabay 13 dal oo African ah ooy ku jiraan wadamada Burundi, Kenya, Rwanda iyo Uganda sida uu shir jaraa’id ku sheegay Agaasimaha Guud ee heyadda WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus

Furuqan oo loo aaneeyo in uu ka yimid Ragga isu galmooda ayaa ku qasbay WHO in Markii labaad ay ku dhawaaqdo tan iyo 2022_dii in mpox uu yahay xaalad caafimaad oo degdeg ah iyadoo fayrasku si degdeg ah ugu faafayo qaaradda Afrika xili ay jirto walaaca isi soo taraya oo laga qabo cudurku in uu wado gelitaanka qaaradaha kale.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa Arbacadii soo saartay heerkii ugu sarreeyay ee feejignaanta furuqa fayraska mpox iyadoo xustay in in ka badan 14,000 oo xaaladood iyo dhimashasa 524 oo Afrika ah

Asal ahaan waxa loogu magac daray “Busbuska”markii ugu horreysay ee lagu aqoonsaday Daanyeero lagu arkay iyagoo qaba sannadkii 1958 cilmi-baarista lagu qabtay xikigaas dalka Danmark .

Sannadkii 1970-kii, kiiskii ugu horreeyay ee bini’aadannimka u soo talaaba ee la soo sheegay wuxuu ahaa wiil sagaal bilood jir ah oo joogay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

2022, WHO waxay ku talisay in magaca Busbuska in loo cusboonaysiiyo “mpox” si loo yareeyo ceebaynta daayeerrada iyo in ay xiriir la leeyihiin cudurka oo sidoo kale ay is qaadsiin karaan dooliyaasha iyo dadka.