Golaha Amaanka oo ansixiyay howlgal cusub oo ka billaabanaya Soomaaliya

Golaha Amniga ee QM ayaa u codeeyay Khamiistii shalay howlgalka cusub ee Midowga Africa kaasoo ka billaaban doono Soomaaliya January 2025 kaasoo bedelaya ATMIS oo waqtigeeda ku eg December 2024.

Qaraarka oo soo diyaarisay dowladda Ingiriiska ayaa lagu taageeray codsiga dowladda Soomaaliya ee ah in la dhiso howlgal cusub oo xasilinta dalka ka shaqeeya islamarkaana ka caawiya Ciidanka xoogga in si buuxda mas’uuliyadda amniga dalka ula wareegaan.

Golaha amaanka ayaa ansixiyay in 12,626 askari la geeyo Soomaaliya oo ka shaqeeya waqtiga kala guurka amniga dalka, oo wali ka jirto khatarta Al-Shabaab.

Bayaan ka soo baxay golaha ayaa lagu sheegay in safiirka Soomaaliya Abuukar Daahir Cusmaan oo hadlay kadib codeynta uu sheegay in Soomaaliya ay “fahamsan tahay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la kordhiyo qaraarka ATMIS-ka illaa bisha December 2024-ka si loo xaqiijiyo habsami u socodka kala-guurka, anagoo buu yiri isku diyaarinayna howlgalka ATMIS ka bacdi ee sanadka 2025-ka.”

Waa lama huraan in loo guntado taageerada loo baahan yahay ee awoodsiinta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo ATMIS in ay sii wataan shaqadooda muhiimka ah,” ayuu yiri safiirka.

Waxa uu intaas kusii daray “Dadaalkan wada shaqayneed waa mid muhiim ah innagoo ka shaqaynayna sidii aan ugu gudbi lahayn qaab-dhismeedka cusub ee howlgalka nabad ilaalinta.”

Bayaanka QM ayaa sidoo kale lagu sheegay in danjire Daahir Cismaan uu yiri, “Nasiib darro, waxaan aragnay dib u dhac ku yimid ku dhawaad dhammaan wejiyada dhimista ciidamada. Sidaa darteed, iskudubarid ka dhexeeya wadamada ciidamada ku yaboohay iyo qandaraaslayaasha Qaramada Midoobay ayaa ugu muhiimsan hannaankaan.”