Taliyaha ciidamada Uganda oo Maraykanka ka dalbaday magdhaw in laga siiyo ciidanka uga dhintay Soomaaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Janaraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ka dalbaday dawladda Maraykanka ilaa 100 Bilyan oo Doollar oo magdhow u ah dhaqaalaha iyo khasaaraha nafeed ee ciidamada Uganda ka soo gaaray Soomaaliya intii ay nabad ilaalinta u joogeen. Qoraalo taxane ah oo lagu soo daabacay bogga X ee horay loo oran jiray (Twitter) ayaa dalabkaan lagu sameeyay.

“$100 bilyan waa inta ugu yar ee aan ka rabo USA. Waana in ay bixiyaan lacagta laga doonayo,” sida waxaa yiri Janaraal Muhoozi.

Taliyaha oo ah wiilka uu dhalay madaxweynihii dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa sidoo kale ku yiri hal qoraalka. “Mareykanku waxaan uu ugu yaraan ku leenahay 100 bilyan oo shaqada aan ka qabanay Soomaaliya darteed. Waxaan sugeynaa lacag bixinta.”

Uganda ayaa ahayd waddankii ugu horreeyay ee ka socda Bariga Afrika oo ciidamo u soo daad-gureeyo Soomaaliya sannadkii 2007-dii, iyagoo ka tirsanaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyaga oo door muhiim ah ka qaatay taageeridda dowladda Soomaaliya ee ay taakuleyso Qaramada Midoobay iyo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Dalabka Muhoozi ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa Uganda iyo Maraykanka, gaar ahaan ka dib markii Uganda laga saaray Heshiiska Kobaca iyo Fursadaha Afrika (AGOA), ayaa siinayay waddanka Uganda fursadda ah in ay cashuur la’aan ku galaan suuqyada Maraykanka iyaga oo keeni karay ka badan 1,800 oo badeecooyin ah.

“Maraykanku waa inuu raaligelin ka bixiyaa in uu Uganda ka saaray Axdiga AGOA,” Muhoozi ayaa sida ku yiri qoraalkiisa. “Waa in si deg deg ah dib naloogu soo celiyo, ka dibna, waxaan ka hadli doonaa magdhowga dhammaan askartii nooga dhimatay Soomaaliya.

Go’aanka Uganda looga saaray AGOA, ayaa waxa uu dhaqan galayay 1 dii bisha Janaayo ee sanadk 2024, waxaa sidoo kale ku jiray wadamada laga saaray Gabon, Niger, iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika. Go’aanku wuxuu sheegay in “xadgudubyada weyn” oo la xiriira xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah lagu gaystay wadamadaas.

Mareykanka ayaa sidoo kale dhawaan cunaqabateyn ku soo rogay saraakiisha Uganda si uu uga jawaabo musuqmaasuqa dalkaas ka jira iyo warbixinnada dilalka aan sharciga ahayn ee laga soo taiyay dalkaas, taasoo ay cambaareeyeen hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqul insaanka udooda.

Waxa kale oo uu ku hanjabay in uu Kenya soo weerari doono oo uu Nairobi qabsan doono, taas oo keentay in Aabihiis, Madaxweyne Museveni, uu ka cudur-daarto warkaas. Arrintaas ayaa sidoo kale sababtay in Muhoozi laga qaado kaalintiisii taliyaha ciidamada Uganda. Si kastaba ha ahaatee, dib ayaa loo soo celiyay waxaana loo dalacsiiyay Taliyaha Ciidamada Difaaca markii ay taariikhdu ahayd bishii Maarso 2024.

Inkasta oo uu hab dhaqankiisu yahay mid mar walba muran badan dhaliya, hadana Muhoozi waxa uu weli yahay xubin udub dhexaad u ah millatariga iyo siyaasadda Uganda, isaga oo ku dhawaad hal milyan oo followers ah ku leh barta X.