Natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee gobolka Banaadir oo lagu dhawaaqay

Agaasinka guud ee Waxbarashada Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta shaaciyay Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir kaas oo ay sanadkaan u fariisteen 34,792 arday oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal.

Waxaa gudubtay oo natiija wanaagsan keenay 32,689 arday oo kamid ah ardaydii u fariisatay imtixaanka, halka ay hareen ama natiijadii la rabay aysan la imaan 2,103 arday.

Dowladda Federaalka ayaa sanadihii ugu dambeeyay qaadeysay imtixaanaadka shahaadiga ah, kaas oo soo maray marxalado kala duwan.