Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa ka dhacay deegaanka Bidhaan Dheer oo  dhow caasimada Dhuusamareeb, waxaana uu socday muddo ka badan saacad.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay muran dhul ku yaalla halkaas oo ay isku haystaan labada beelood ee dagaalamay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiro dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah, waxaana kamid ah nabadoon Cabdiweli Daahir Tooxow oo dhintay, isaga oo dadaallo dhex-dhexaadin ah ka waday halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobta lagu dagaalamay ciidamo dheeraad u dirtay Galmudug, si ay u kala dhex-galaan maleeshiyaadka dagaalamaya.

Dhinaca kale colaad tan lamid ah ayaa waxa ay ka taagan aagga degmada Balanballe iyo dhanka deegaanka Qaayib oo dhaca bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay isu hayaan maleeshiyaad beeleedyo indhowaanahan ku dagaalamayay halkaasi.

Galmudug ayaa haatan wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay colaad beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollada dhexe oo saameyn ku yeeshay bulshada deggan halkaasi.