Raysilwasaare Xamsa oo kulan la yeeshay madaxweyne ku xigeenada Galmudug iyo Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa hoygiisa waxa uu kula yeeshay kulan casho ah Madaxweyne ku-xigeennada Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland Mudane Cali Daahir Ciid iyo Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ugu horreyn ka dhageystay labada Madaxweyne ku-xigeen warbixinno la xiriira xaaladda deegaannada dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay in ay xoojiyaan dagaalka kooxaha Khawaarijta ah looga sifeynayo meelaha ay kaga harsan yihiin deegaannada Galmudug iyo Jubbaland.

Horay labada madaxweyne ku xigeen ayaa ula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay kala hadleen xaaladaha maamullada Galmudug iyo Jubbaland.