Madaxweyne Xasan Sheekh oo diiday Inay kulmaan Isaga Abiy

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Mauritania oo uu weheliyo guddoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki iyo madaxwaynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa ku guuldareystay Isku day ay ku doonayeen inay ku kulansiiyaan Madaxweynaha Somalia Iyo Reysilwasaaraha Itoobiya kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku gacan seeyray in uu la kulmo Abiy tan iyo inta uu ka laabanayo heshiiskii sharci darrada ahaa ee Itoobiya ay la gashay maamulgoboleedka Somaliland

Labada masuul ee Somalia iyo Itoobiya ayaa kuwada sugan magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ooy kaga qeybgaleen shirmadaxeedka Shiinaha Iyo Afrika

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu adkeysatay in aan wax wadahadal toos ah lagala yeelan doonin Itoobiya haddii aysan Addis Ababa ka laaban is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee maamul goboleedka Somaliland uu u saxiixay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirweynihii Beijing ka sheegay gardarada Itoobiya, wuxuuna caalamka ku wargeliyey in halista ka jirta gobolka ay sabab u tahay Itoobiya oo heshiis sharci darro ah la gashay maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysa gardarada Itoobiya ayaa heshiis difaac la gashay Masar iyo Turkiga, waxayna arrintaasi cabsi badan ku abuurtay Itoobiyaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga ka ogolaatay dhex-dhexaadinta Itoobiya, balse Itoobiya ayaa diiday inay bedesho mowqifkeeda, waxayna dowladda Soomaaliya qaadatay go’aan aysan wadahadal kula geleyn Itoobiya ilaa ay cadeyso inay ka laabatay heshiiskii uu Muuse Biixi u saxiixay.