Soomaaliya oo ka cadeeyey shirka Abidjan sida ay uga go’an tahay la dagaalanka isbedelka cimilada

Waxaa magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast lagu soo gabagabeeyay Kalfadhiga 10-aad ee gaarka ah ee Shirka Wasiirada Afrika ee Cimilada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano AMCEN.

Mawduuca sanadkan looga hadlayay Kalfadhiga ayaa wqxaa hal-ku-dhigiisu u ahaa “Kor u qaadista Hamiga, qorshaha iyo Dardar gelinta Wax ka qabashada Abaaraha iyo La-dagaallanka xaalufka Dhulka,”

Shir madaxeedkan ayaa waxaa isugu yimid madax kala duwan oo ka kala socotay wadamada Afrika, Wakiilo ka socday hay’adda cimilada Adduunka ee Qaramada Midoobay UNEP, dublamaasiyiin iyo ururo caalami ah si ay uga wada hadlaan hawlaha muhiimka ah ee quseeya cimilada, gaar ahaan xaalufka dhulka, ka hortaga abaaraha iyo xaalufinta dhirta.

Shirkaan waxaa dhanka Soomaaliya uga qayb galay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya isla markaana ah wakiilka joogta ah ee Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Danjire Jabriil oo dhawaan loo doortay gudoomiyaha iyo isku dubaridaha Wakiilada joogtada ee wadamada Afrika ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, ayaa khudbad taabanayso dhibaatooyinka Xaalufinta dhulka ku hayo wadamada Afrika ka jeedayay Kulanka.

Danjiraha oo ku hadlayayy magaca wadamada Afrika iyo kan dowladda Soomaaliya ayaa ku dheeraaday qaabka loo baahan yahay in looga hortago xaalufinta dhulka iyo abaaraha soo noqnoqday ee saameeyay wadamo badan oo ku yaala Qaarada Afrika.

Soomaaliya ayaa shirka ka cadeeysay sida ay uga go’an tahay la dagaallanka isbedelka cimilada iyo xal u helidda abaaraha soo noqnoqday.

“Waxaa lagu qiyaasay in boqolkiiba 36% dhulkeena uu xaaluf noqday, kaas oo khatar ku ah helitaanka ama soo saarida cuntada ay u baahan yihiin shacabka Soomaaloyeed. Hadda, in ka badan sidii hore, waxaan u baahanahay iskaasho caalami ah, helitaanka tignoolajiyadda casriga ah iyo agabka si aan u dhisno mustaqbal xaqiijinaya in Soomaaliya yeelato dhul barwaaqo ah”. Ayuu yiri, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle

Soomaaliya waxa ay wajaheysaa caqabado cimilo oo halis ah, waxaana lama huraan ah in Ummadda Soomaaliyeed iyo dowlada Federaalka oo kaalmeysanayaan hay’adaha caalamiga iyo wadamada saaxibada ah inay tallaabo ka qaado xaalufinta dhulka.