Itoobiya oo warqad calaacal ah u dirtay Golaha amaanaka Qaramada Midoobey

Itoobiya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay tixgalinta in Masar ay ku kacday “hanjabaado iyo rabshado soo noqnoqday” oo ka dhan ah Itoobiya.

Wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa warqad u dirtay golaha ammaanka qaramada midoobay waxa ayna uga codsatay in golaha ay ka fiirsadaan hanjabaadaha soo noqnoqday ee masar u jeedineyso Itoobiya, taas oo ka hor imaaneysa axdiga qaramada midoobay

BBC-da ayaa aragtay warqadda uu qoray wasiirka arimaha dibadda, safiir Taye Atzik-Salase, waxa uu dalka Masar ka codsaday in ay ka tanaasulaan mowqifkooda macangagnimada ah iyo dalabaadkooda aan macquulka ahayn eek u saabsan dhismaha iyo ka shaqaynta biyo xireenka Renaissance iyo sidoo kale in loo hogaansamo mabaadiida caalamiga ah.

WarqadDaan ay wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya u dirtay Golaha Ammaanka, ayaa ku soo aadeysa xilli ay maalmo ka hor ay Masar iyana dirtay warqad.

Hadda kahor ayay ahayd markii wasiirka arimaha dibadda iyo waraabka Masar, Dr. Badare Abdulati, uu warqad u diray madaxweynaha Golaha Ammaanka, waxa uuna sheegay in Masar ay xaq u leedahay in ay qaaddo tallaabooyin lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo ammaankeeda biyaha.

Isla warqaddaas ayuu wasiirku ku sheegay in Masar aanay si buuxda u aqbalin siyaasadda go’doominta ee Itoobiya ee biyo xireenka Renaissance, waxaanu yidhi “Masar waxay diyaar u tahay inay qaado tallaabo kasta oo waafaqsan axdiga qaramada midoobay si ay u ilaaliso jiritaankeeda iyo ilaalinta danaha dadkeeda. “

Masar iyo Itoobiya ayaa warqado u qoray Golaha Ammaanka iyagoo midba midka kale uu eedeynayo waxa ayna ku soo aadday ka dib markii sida ay warbaahinta qaar tebiyeen diyaarado ciidan oo Qaahira ka yimid ay ka dageen Muqdisho waxaana sii korortay xiisadda gobolka.

Kadib heshiiskii milatari ee ay dhawaan wada gaareen Qaahira iyo Muqdisho, Masar ayaa ciidamadeeda soo dhoobtay Soomaaliya.

Dhanka kale Danjire Taye Pagume, ayaa isna warqad u qoray madaxweynaha golaha ammaanka sanadkii 2016, waxa uuna sheegay in uusan aqbalin eedeynta Masar ay u jeedisay Itoobiya.

Warqaddaas ayay Itoobiya ku muujisay mowqifkeeda ah in go’aanka ka faa’iidaysiga kheyraadka uu yahay mid ay maamulaan dalal, wixii khilaaf ah ee yimaadana lagu xalliyo xiriirka labada dal ama urur-goboleedyada.

“Itoobiya, waxay doonaysaa inay si aan leexleexad lahayn u xaqiijiso in isticmaalka biyaha Masar ama mashruuc kasta aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin saamiga saxda ah, sharciga ah iyo saamiga ku habboon ee Itoobiya ee biyaha Niil”.

Danjire Taye ayaa xasuusiyay in markii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu booqasho rasmi ah ku tagay Qaahira bishii Luulyo 2015, uu la gaaray Madaxweyne Cabdulfataax al-Sisi in la qabto wadahadal saddex geesood ah oo ku saabsan buuxinta biyaha iyo ka shaqeynta biyo xireenka.

Masar iyo Itoobiya
Qoraalka sawirka,Masar iyo Itoobiya ayaa warqado u qoray golaha ammaanka iyagoo midba midka kale uu eedeynayo