Maxaa Saarnaa Diyaaradihii ay Masar Maanta Markale Muqdisho Ka Dajisay??

Xog la isku halleyn karo oo aan ka helay ilo millatariga Soomaalida ah gaar ahaan qeybta u xil-saaran fulinta heshiiska Masar iyo Soomaaliya ayaa ii xaqiiijiyay in diyaaradihii Masar ee garoonka Aadan Cadde ka degay dhamaadkii August ay wadeen, qalabka soo socda:

1- Shoulder Fired Anti-Tank Missiles (Gantaallada Lidka Taangiyada ee garabka laga rido ee dhalaaliya taangiyada. Tiradooda waxaa la iigu sheegay 141 (Boqol afartan iyo kow).

2- Most Advanced Anti-tank Mines (Miinooyinka loogu talo-galay in ay qarxiyaan taangiyada oo aad u horumarsan) Tiradooda aad looma hubo, laakiin waxa ay iluhu ii xaqiijiyeen in ay kor u dhaafayaan 1500 (Kun iyo shan-boqol oo xabbo)

3- Radar-ka soo qabta diyuurada dagaalka. Laba sad ama labo qalab oo mid kasta si gooni ah u shaqeyn karo.

Iluhu waxa ay ii sheegeen in ay waddada kusoo jiraan oo todobaadyada soo socda Muqdisho soo gaari doona:

1- Taangyada dagaalka. La iima sheegin noocooda iyo dowladda farsameysay. Taradooda 21 xabbo.

2- Hubka Lidka Diyaaradaha oo casri ah. Noocooda iyo dowladda farsameysay wali ma ogaanin. Tiradooda 90-110

3- Diyaaradaha dagaalka oo isugu jira Crafts iyo Helicopters. Isku jir tiradooda waxaa la ii sheegay in ay noqon doonto ilaa 24.

4- Iyo qalab kale oo millatari.

Hubkan oo hordhac la iigu sheegay, waxaa lagu wareejinayaa ciidamada Soomaaliya.

Ka sokow ciidama Masar ee la filayo in ay Soomaaliya yimaaddaan; Qaahira waxa ay tayeyn doontaa oo hub iyo qalabna ay siineysaa ciidamada Soomaaliya. Sida ay iluhu ii sheegeen.