Daawo” Ra’iisul Wasaare Xamse oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Baydhaba, halkaasi oo la filayo inuu kulamo kula yeesho madaxda Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sida lagu sheegay qoraal ka so baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, safarka Xamsa ayaa “qayb ka ah dadaallada xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.”

“Waxaa laga wada hadli doonaa dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, arrimaha siyaasadda, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Socdaalka ayaa imanaya ayada oo dhowaanahan ay xiisad ka dhex-jirtay reer Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka, taasi oo salka ku haysa ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya.

Qaar ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka dhacay isu soo baxyo lagu taageeray sii joogitaanka ciidamada Itoobiya, oo dowladda federaalka ay dooneyso inay dalka ka baxaan dhammaadka sanadkan.

Sidoo kale, xildhibaano heer federaal ah oo kasoo jeeda deegaanka ayaa taageeray joogitaanka ciidanka Itoobiya, kana horyimid imaatinka ciidamada Masar, taasi oo buuq ka dhex dhalisay Golaha Shacabka, inkasta oo markii dambe la xaliyey.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa isna sheegay “in aysan cidna marti ugu ahayn dowladnimada Soomaaliya,” isaga oo bogaadiyey xildhibaanada federaalka ee uu sheegay in ay taageereen aragtida shacabka Koonfur Galbeed.