Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha guud ee IGAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo IGAD, xasilloonida Gobolka iyo isbedalka Cimillada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhimacyada amniga, dagaalka Argagixisada, dhaqaalaha iyo dowlad-wanaagga, waxa uuna adkeeyay muhiimada ay Gobolka u leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyyaasha horumarineed ee heer gobol.

Dhankiisa, Xoghaya guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa soo bandhigay Istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada iyo horumarka Gobolka.

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga XFS Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyay in wafdiga IGAD ee uu hoggaaminayo xoghayaha fulinta Workneh Gebeyehu ay kala hadleen xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya.

Wasiir Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay wafdiga ka socda urur-goboleedka IGAD ay Muqdisho ku yimaadeen casuumad ay fidisay dowladda federaalka Soomaaliya, si ay wada-hadallo gaar ah ula yeesheen madaxda sare ee dalka.

“Wafdiga maanta noo yimid waxaan kala hadalnay xaaladda gobolka oo ay ku jiraan arrimaha Itoobiya iyo Soomaaliya isku hayaan,” ayuu yiri wasiir Fiqi oo sheegay in labada dhinac ay ka wada-hadleen arrimaha mandiqadda ee ku saabsan nabad-gelyada bulshada, siyaasadda, iskaashiga gobolka iyo kobcinta dhaqaalaha