Aqalka Sare iyo QM oo qaaday tallaabo la xiriirta khilaafka DF iyo maamullada…

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay  ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qarabada midoobay Mudane Raisedon Zenega iyo madaxa arrimaha siyaasadda ee UNSOM mudane Rohan Titus oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo la xiriira khilaafka u dhexeya dowladda dhexe iyo maamullada dalka.

Cabdi Xaashi iyo Raisedon Zenega ayaa si gaar ah waxay uga wada-hadleen xaaladda guud ee dalka, siiba howlaha ballaaran ee horyaalla Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka oo ay ugu horreyso dib ueegista Dastuurka KMG ah, shuruucda doorashada dalka iyo kaalinta QM ay uga garab siin karto howlaha ballaaran ee horyaalla baarlamaanka JSoomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in golaha uu u taagan yahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah iyo  inuu qaato kaalintiisa Dastuuriga ah ee isku xirka labada heer dowladeed.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday khilaafaadka soo noq noqday ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo haatan soo xoogeystay

Guddoomiye Xaashi ayaa sheegay inay ka gole ahaan u taagan yahiin xal u helidda khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexeiyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya laguna dhammeeyo khilaaf kasta wada hadal, heshiis iyo afgarad, isla markaana QM ay garab ku siiso Aqalka Sare gudashada waajibaadkaas.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana uu taagan yahay khilaafka xoogleh u dhexeeyo Villa Somalia iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Khilaafka oo haatan sii laba qarxay ayaa wuxuu si gaar ah ugu dhexeeyaa dowladda federaalka iyo maamullada Koonfur Galbeed iyo Puntland oo ay isku qabtay arrimo xasaasi ah oo la xiriira siyaasadda gudaha iyo sidoo kale xiisadda u dhexeysa Somalia iyo Itoobiya