Dowladda Soomaaliya Isu diyaarineyeysa Inay Qalabeeyso Ciidamadeeda hub ka soo dajisay Muqdisho

Markab hub sida oo ku soo xirtay dekedda Muqdisho Iyadoo Dowladda Soomaaliya Isu diyaarineyeysa Inay Qalabeeyso Ciidamadeeda

Hubkan waxaa keenay Markab nooca dagaalka ah oo ka yimid dalka Masar, waxaana lagu daad gureeyay gaadiid waa weyn oo nooca ciidanka qaada ah, kaas oo dowladda Soomaaliya ay leedahay.

Hubkaan ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in dowladda Masar ay siisay Soomaaliya, halka wararka qaar ay sheegayaan in Soomaaliya ay soo iibsatay hubkaan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa loo daad gureeyey hubkaan laga soo dejiyey dekedda Muqdisho.

Wadada ka baxda Dekadda Muqdisho illaa inta laga gaarayo wasaaradda Gaashaandhigga ayaa caawa la xiray, waxaana marayey kaliya gaadiidkii hubka siday.

Weli wax war ah kama soo saarin Dowladda Soomaaliya hubkaan dalka la keenay iyo qorshaha ay ka damacsan tahay, balse waxaa jirta saansaan dagaal.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa inay ka jawaabto daandaansiga Itoobiya, hadii uu isku bedelo gacan ka hadal, waxaana jira dowladda cadeeyey in Soomaaliya ay ku garab taagan yihiin hiilo militery.

Sidoo kale hubkaan ayaa dowladda Soomaaliya ka saacidaya inay ka adkaato kooxaha Khawaarijta ah ee ka dagaalama gudaha dalka, kuwaas oo ka daran cadowga shisheeye ee dalkaan uu leeyahay.