Daawo: Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukuntay qoys lagu helay maalgelinta Al-Shabaab

Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa xukuno kala duwan ku riday qoys ku eedeysanaa in ay maalgalinayeen kooxda Al-Shabaab kadib markii lagu helay cadeeymo muujinaya dhaqaalo ugu aruurinayeen akoono ay u sameeyeen argagixisada

Xasan Cusmaan Aadan ayaa lagu xukumay 13 sanno oo xarig ah iyo 20 kun oo dollar.

Faadumo Xasan Cusmaan, Aamina Abdullahi Abanuur iyo Xasana Aweys Khaasim ayaa lagu xukumay min laba sanno oo xarig ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa ku dhawaaqay xukunka, kaas oo warbaahinta la wadaagay go’aanka maxkamadda