Hormuud Salaam Foundation oo kaafala qaaday ardey deeq waxbarasho ka helay dalka Ingiriiska

Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cusmaan iyo masuuliyiin kale oo ka socda Hay’adda ayaa ka qeybgalay munaasabad sagootin iyo soo dhoweyn isugu jirtay oo ay safaaradda Ingiriisku ee Soomaaliya u sameysay ardaydii ku guuleysatay deeqda waxbarashada ee Chevening Scholarship. Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa kafaalaqaadday qaar ka mid ah ardayda wax ku barata deeqda waxbarashada ee Chevening ee aay bixiso dowlada Ingiriiska.

Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation oo kalimad ka jeediyay munaasabadda ayaa u hambalyeeyay dhallinyarada Soomaaliyeed ee sanadkaan ku guuleysatay deeqda Chevening ee fursadda u helay in ay wax ku soo bartaan jaamacadaha dalka Ingiriiska, waxa uuna kula dardaarmay in ay dadaalaan oo ay ka miradhaliyaan fursaddan dahabiga ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kalena bogaadiyay aqoonyahannadii deeqdan wax ku soo baratay ee sanadkan dalka dib ugu soo laabtay, waxa uuna kula dardaarmay in ay kaalin mug leh ka qaataan dib-u-dhiska iyo horumarka dalkeenna hooyo. Waxa uuna xusay in ay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ka go’an tahay joogteynta maalgelinta kootada Soomaaliya ee deeqda Chevening oo ay sanad waliba wax ku bartaan dhallinyaro Soomaaliyeed.