Guulaha ciidamada Mustafa Cagjar Waa Dhabar Jabka Qaswadaha Geeska Afrika !!

Ciidamada Liyuuboolis Iyo kuwa ONLF oo dib boorka looga jafay ayaa maanta la wareegay saldhigii Milatari ee ugu weeynaa ee Askarta fadaraalka Itoobiya ay ku lahaayeen duleedka magaalada Jigjiga.

Iskahorimaad kooban kadib askarta Itoobiya ayaa halkaas laga saaray iyaga oo laga gubay gadiid dagaal

Madxweyne Mustafa Cagjar oo horeyba uga caga jiidayay heshiiskii gardarrada ahaa ee Abiy uu la galay Muusa Biixi ayaa haatan ka horyimid hindisaha Soomaali tirtirka ah ee maamulka Adisababa wuxuuna bilaabay olole uu uga saarayo Askarta Itoobiyanka ee lagu soo daadgureeynayay deeganadiisa si aaney u dhicin in lagu afgambiyo maamulkiisa

Askarta Itoobiyanka ah ayaa guud ahaan isaga cararaya deegaanada Somaligalbeed ka dib digniino maalmahanba loo dirayay

Isaga oo booqday fariisamadii Milatari ee laga ceyriyay askarta Itoobiya waxaa Madaxweynaha dowlad-deegaanka Somali galbeed Mustafa Muxumud Cagjar uu bogaadiyey guulaha Ciidamada maamulkiisa Iyo kuwa ONLF.

Maamulka dowlad-deegaanka Soomaali- Galbeed ayaa dhaqdhaqaaqyadan bilaabay kadib markii ay heleen qorshe laga soo dusiyay xaafiiska Reysilwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo deegaanka Somaligalbeed looga tirtirayo magaca Somalia si loogu bixiyo Bariga Itoobiya iyada oo lagu lamaaninayo maamulka Ormada .

Dhabarjabka qaswadaha geeska Africa ee Abiy Axmed ayaa soo dagdagay Iyadoo ay jirto in uu sii xoogeeysanayo xiisada ka dhalatay damaca badraadinta Itoobiya oo Soomaaliya ay gaashaanka u daruurtay

WQ/Elmi Osman Farah Boodhari