Raysilwasaare Xamza oo Midowga Yurub kala hadlay xiisadda Geeska Afrika

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada New York ayaa kulan gaar ah la qaatay ergeyga gaarka ah ee Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Annette Weber.

Xamza iyo Annette Weber ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin  xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa EU iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday xiisadda ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan caqabadaha haatan soo wajahay oo ay ugu horreyso xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo amniga iyo nabadda gobolka Geeska Afrika.

Kulankan ayaa qayb ka ah shirar xasaasi ah oo uu haatan ra’iisul wasaare Xamza ka wado xarunta QM ee New York oo uu kaga qayb-galayo shirka Golaha loo dhan yahay.

Madaxda uu la kulmay waxaa kamid ah Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, oo ay ka wada arrinsadeen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka

Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu kulan la yeeshay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak oo isna ku sugan magaalada New York, waxayna ka wada-hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait.

Sidoo kale wuxuu Amiirka ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.