Daawo; Culimada Suufiyada iyo Wahaabiyada oo ku heshiiyey ..

Culimada Soomaaliyeed ee dariiqooyinka Suufiyada iyo Waabiyada ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ku dhawaaqay inay midoobeen.

Culumada labada dhinac ayaa warbaahinta la hadashay, iyagoo faahfaahiyey waxyaabihii ay ku heshiiyeen, waxaana arrintaan garwadeen ka ah wasaaradda diinta.

Agaasimaha guud ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee XFS Ibraahim Nadaara oo kulankaas ka hadlay ayaa yiri, “Shacabka Soomaaliyeed waa dad Muslimiin ah, jecelna diinta Islaamka, culimadooda oo midoowda waxay ka dhigan tahay shacabka oo midooba.”

Culimadii kulanka ka hadashay waxaa kamid ahaa Sheekh Aadan Sugoow oo ka tirsan culimada dariiqada ee Suufiyada wuxuuna yiri “Waxaa farxad noo ah in culumadu ay dhaqangeliyaan midnimadooda Sheekh Aadan Sugoow, arrintaan waa guul dalkeenna u soo hoyatay oo dowladda aan ku garab istaagi karno.”

Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka tirsan culimada Wahaabiyada ayaa kamid ah culimada galabta ka hadashay kulanka ay ku midoobeen culimada Suufiyada iyo Wahaabiyada, wuxuuna si faahfaahsan uga hadlay waxyaabaha ay ka doodeen iyo waxa ay isku raaceen

Waxaan ku heshiinay in mar dambe aan la is gaaleysiin oo aan la isku xadgudbin, dadka aan ceebahooda la raadraadin, qolo kastana fikirkeeda lagu ixtiraamo, culimadu markii ay midowdo, in dowladda ay garab istaagi karaan ayaan xaqiiqsanay,” ayuu yiriCali Wajiis.

Sheekh Cali oo sii hadlayey ayaa sidoo kale sheegay in Culimada Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen in la midoobo oo la sameysto gole guud oo loo dhanyahay, waxaa naga go’an in dowladda aan ku garab istaagno difaaca qaranka.”