Talaabada DFS ay sheegtay Inay ka qaadeeyso Hubka Sharcidarada ah ee lagu Heysato Muqdisho Iyo Falacelinta Ka dhalatay

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay inay dambi tahay in hubka qeybihiisa kala duwan guryaha lagu haytso, iyadoo lagu gabbanaayo mas’uuliyad dowladeed oo xilligaasi la hayo iyo in laga ganacsado.

Shuute, oo jariimo cad iyo wax halis ku ah ammaanka shacabka ku tilmaamay haysashada hubka, ayaa sidoo kale sheegay inay diyaariyeen xeer ilaaliye dabagal ku sameeya dadka hubka haysta iyo guryaha lagu haayo.

Falanqeeyeyaasha amniga ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay dadaallada xakameynta hubka ee socda laakin ay wax walba ku xiran yihiin qaabka loo fulinaayo.

Haddaba howlgalladaan lagu xakamaynayo hubka maxay uga dhigan yihiin nabadda Soomaaliya oo kasoo kabanaysa colaado soo jiitamaaye muddo dheer?

Siyaasiinta Mucaaradka Ah oo Muqdisho ka bilaabay diyaar-garow ka dhashay hanjabaadii Hub ka Dhigista

Cabsi weyn ayaa soo wajahday mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii Madaxweynuhu uu Jimcihii ku hanjabay in gurigiisa saqda dhexe loogu geli doono qofkii la ogaado inuu heysto hub sharci darro ah oo kan dowladda ama u diiwaan gashan aan aheyn.

Mucaaradka ayaa ka cabsi qaba in Xasan Sheekh uu ka dhabeeyo hanjabaadiisa, maadaama ay hubeysan yihiin, isla markaana guryaha ay ka degan yihiin Muqdisho ay ku heystaan hub ka madax-banaan kan dowladda.

Siyaasiyiinta qaar waxay bilaabeen in gaadiidka dagaalka ay banaanka uga soo saaraan guryaha ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho, isla markaana difaac adag sameystaan, maadaama ay suurtagal tahay inay dowladdu weerarto, si hubka dhigis loogu sameeyo.

Mucaaradka ayaa u arka qorshaha Xasan Sheekh inuu yahay mid ayaga hubka looga dhigayo, waxayna isku diyaariyeen inay iska difaacaan weerar kasta oo uga yimaada dhanka dowladda.

Siyaasiyiinta qaar waxaa la sheegay inay dalbadeen hub ka badan kii ay horay u heysteen, si ay isku difaacaan oo Xasan Sheekh uusan ugu dhiiran in guryahooda uu ku weeraro, si hub ka dhigis loogu sameeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jimcihii khudbad dheer jeediyey ayaa sheegay in qofkii heysta hub sharci darro ah uusan sharaf laheyn, dowladuna ay ka qaadi doonto talaabo adag, iyadoo weliba gurigiisa loogu dhacayo saqda dhexe ee habeenkii.

Arrinta cabsida ku abuurtay mucaaradka waa in Xasan Sheekh oo xusay magacooda, isagoo yiri “Siyaasi, sarkaal ama ganacsade ahaaw qofkii heysta hub ma ixtiraami doono, waxaana loogu dhacayaa gurigiisa, weliba xili saq dhexe ah.”

Arrintaan ayaa shaki badan ku abuurtay mucaaradka, waxayna hadalkaas u arkeen in ayaga ku socda oo dowladu ay rabto inay la wareegto hubkooda, taasi oo khatar ku ah amnigooda, maadaama ay dayacmayaan xili kasta ay suurtagal noqon karto in la weeraro ama la dhibaateeyo.

Xildhibaan Gamaadiid oo ka tirsan golaha shacabka, kana mid ah Mucaaradka Xasan Sheekh ayaa TV-ga Shabeelle u sheegay in mucaaradku ay is qalabeynayaan oo hub ay isku difaacaan ay soo iibsanayaan, si ay isaga difaacaan hadii Xasan Sheekh uu ka dhabeeyo hanjabaadiisa.

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed oo war kooban soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan dalka, gaar ahaan arrimaha duulimaadka oo ay ka timid caqabad xoogggan.

Taabid oo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku yiri “Wuxuu diidanaa shalay ninka doonayow joog, dantaguud ha dhaawiciin”.

Sidoo kale wuxuu weerar toos ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud, isaga oo xasuusiyay in shalay uu ka dhiidhinayay in la siyaasadeedyo arrinta duulimaadka.

Taabid ayaa soo jeediyay in cid kasta oo ku xad-gudubta sharciga duulista hawada lala tiigsado maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

Madaxweyne shalay adigaa xigan jiray in la illaaliyo sharciga shaqaalaha rayidka oo ka mamnuucaya shaqaalaha rayidka inay siyaasadda ku milmaan, maanta adigoo ah Madaxweynaha JFS in aflagaado isir-caayid ah uu ku kaco qof ka mid ah shaqaalaha rayidka waa wax aanan la aqbali karin, haddii sharciga lala tiigsanna waxay noqon doontaa gardarro garab og iyo dulmi raali laga yahay” ayuu yiri duqii hore ee magaalada Muqdisho.