Masar oo ku dhawaaqday Talaabo kale oo ku aadan Xiisadda Itoobiya

Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisi ayaa markale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya, isaggoo ku dhowaaqay inay la dagaal galayaan haddii loo baahdo, xilli ay kasii dareyso xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya.

Al-Siisi ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay xubin muhiim ah oo ka tirsan ururka Jaamacadda Carabta, sidaas darteedna aysan aqbaleyn in loo hanjabo, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay xaq u leedahay “difaac wadareed” sida ku cad axdiga Jaamacadda Carabta.

 “Anagu ma hanjabeyno, laakiin ma ogolaan doono inuu qofna u hanjabo Soomaaliya. Masar waxay marwalba garab taagan tahay Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Al-Siisi, oo xaqiijiyay in diyaar u yihiin haddii Soomaaliya ka codsato taageerada difaaca qaranimadeeda.

Hadalka madaxweynaha Masar ayaa imanaya xilli ay kasii dareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo saameyn xooggann ku yeelatay gobolka kadib markii Masar ay Xamar kasoo dejisay hub iyo qalab milateri oo lagu taageerayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Itoobiya oo horey walaac uga muujisay imaatinka Masar ee Muqdisho ayaa ku andacootay in hubka ay Qaahir soo daabuleyso uu halis gelin karo ammaanka gobolka.

Muddooyinkan dambe waxaa sii xoogaysanayay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, iyada oo dhawaan un aheyd markii diyaarad ka timid Qaahira oo siday hub iyo ciidan ay ka soo dagtay garoonka magaalada Muqdisho.

Si kastaba, hubka iyo saanada ciidan ee lasoo gaarsiiyay dowladda Soomaaliya ayey Masar ku sheegtay kaalmo military oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya, kadib markii labada dhinac ay gaareen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah.