Xiddiga Man City ee Rodri ayaa garoomada ka maqnaan doona Iyo UEFA oo Barcelona ku Riday Xukun

Xiddiga Man City ee Rodri oo garoomada ka maqnaan

Xiddiga Man City ee Rodri ayaa garoomada ka maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib markii qaliin jilibka ah lagu sameeyay jimcihii

Rodri ayaa ka dhaawacmay jilibka midig Axadii ciyaartii 2-2 ay la galeen Arsenal

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Rodri ayaa maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ka dib markii qaliin ACL ah lagu sameeyay Jimcihii.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa sidoo kale soo gaaray dhaawac meniscus ah.

Dhaawaca ACL wuxuu qaadan karaa lix bilood ilaa sannad si uu u bogsado. Taasi waxay dhabar jab weyn ku noqon kartaa fursadaha City ee ku guuleysiga rikoorka shanaad ee Premier League ee isku xigta ee Ingariiska

Taageerayaasha Barcelona ayaa laga mamnuucay hal kulan oo Champions League ah calanka qaabkii Nazi-ga.

Tgeerayaasha Barcelona ayaa laga mamnuucay safarka Red Star Belgrade ka dib markii ay UEFA ku eedeeysay cunsuriyad iyo/ama dhaqan xumo kale.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa Barcelona ka mamnuucay in ay tikidhada ka iibiso jamaahiirta ciyaarteeda soo socota ee ay martida u tahay ee Champions Leaque-ga kadib markii ay soo bandhigtay boor ay ku qoran yihiin afafka Nazi ee ku saabsan tababaraha cusub ee kooxda ee Jarmalka.

Calan madow oo ay ku qoran yihiin “Flick Heil” oo si muuqata loogu ammaanay tababare Hansi Flick ayaa la soo bandhigay intii lagu jiray guuldaradii 2-1 ee Monaco todobaadkii hore.

UEFA ayaa sheegtay Jimcihii in kooxda lagu soo oogay “cunsurinimo iyo/ama anshax kale oo takoor ah,” waxaana ciqaabta anshax-marinta la adeegsan doonaa November 6 marka ay Barcelona ku ciyaarto Red Star Belgrade.

Mamnuucida iibka tigidhada waxa ay kicisay ganaax tijaabo ah oo ay UEFA amartay Barcelona xilli ciyaareedkii hore. Bishii Abriil, taageerayaashu waxay salaanta Nazi ka sameeyeen Paris Saint-Germain ciyaar Champions League ah.

UEFA ayaa sheegtay in garsooreheeda anshaxu ay sidoo kale Barcelona ku ganaaxeen $11,000 waxayna amar ku bixiyeen ganaax cusub oo tijaabo ah sanadka soo socda. Taasi waxay kicin doontaa ganaax kale oo iibka tigidhada hal kulan oo dibadda ah oo ka tirsan tartanka Yurub.

Guuldaradii ka soo gaartay Monaco ayaa ahayd guuldaradii kaliya ee xilli ciyaareedka Barcelona iyada oo guulo la diiwaan galiyay dhamaan todobadii kulan ee ay ciyaareen horyaalka Spain. Kooxda reer Catalan ayaa u safri doonta Osasuna kulankeeda xiga sabtida