Soomaaliya oo xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya geysay QM

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda Soomaaliya iyo Itooboya.

Xamza ayaa shirka ka dhex sheegay in Itoobiya ay si bareer ah ugu soo xad-gdubtay madax banaanida Soomaaliya, isla markaana ay qatar ka abuurtay gobolka.

“Soomaaliya ayaa hadda wajaheyso qatar xoogan oo kagag imaaneyso falalkii ugu dambeeyay ee Itoobiya, kuwaas oo si bareer ah ugu xadgudbaya sharafta dhulkeenna” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu Itoobiya ku eedeeyay inay sameysay isku day aan laga fiirsan oo ay ku dooneyso in qayb kamid ah Soomaaliya ay ku darsato dhuleeda, sida uu hadalka u dhigay.

Isku deyga Itoobiya ku dooneyso inay ku darsato qayb kamid ah Soomaaliya iyada oo loogu gambanayo sugidda helitaan ee marin biyood waa arrin sharci darro ah oo aan loo baahneyn” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in heshiiska uu Abiy Axmed la galay Somaliland uu halis ku yahay jiritaanka qaranimada Soomaaliya, taasina ay diiday dowladda federaalka.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in markii hore dekedaha Soomaaliya ay u furnaayeen Itoobiya, ayada oo loo marayo iskaashiga dhanka ganacsiga, balse hadda arrintaas ay meesha ka baxday Itoobiyana ay ku kacday xadgudub wayn.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda u dhexeyso Soomaaliya Itoobiya, waxaana fashul kusoo dhammaaday wadahadallo ay horay ugu yeesheen magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga.