Saaxada Loolanka Ma Noqon Doonto Somalia oo kaliya !!

Walaaca Itoobiya & Welwelka Somalia

Itoobiya waxay ka walaacsan tahay Ciidamada Masar, Somaliana welwelkeedu waa ku xadgudubka Midnimadeeda dhuleed.

Xiisada u dhaxeysa labada dal ayaa cirka isku shareeray Iyadoo faa,iidada marin dakadeed oo Itoobiya ay raadineyso inay ka hesho Badda Cas uu ku gadaaman yahay halista Isbadel Joqoraafiyadeed oo ka dhaca geeska Afrika sida ay qortay jariirada Adisstandard.

Falanqeeyaal indhaha ku haya xaaladaha Geeska Africa ayaa qaarkood muujiyay inay rumeysan yihiin in labada dal ee Somalia Itoobiya oo duruufo isku mid ah uu ka heysto gudaha ay u nugulyigiin in khilaafkoodu uu gaaro Iskahorimaad Milatari, iyaga oo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta arintaas

Itoobiya way sii kala daadaneysaa Somaliana Iskuma duubna Iyadoo Xasarad kasta oo ka dhacda Geeska Afrika ay horseed u tahay Isafgaradkii laablakaca ku dhisnaa ee Itoobiya ay la gashay gooni u gooska gobolk waqooyiga Somalia ee Somaliland.

Somalia ay si caro leh u sheegtay Inaaney gorgortan ka galeynin talaabo kasta oo dhaawacaya madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed ayaa qaaday talaabooyin dhowr ah markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isku dayay inuu xoojiyo ciidamada dalkiisa iyo xulafada diblomaasiyadeed, uu heshiis dhanka difaaca ah la galay Masar oo Itoobiya ay isku hayaan wabiga Nile

Masar ayaa haatan isu diyaarineysa inay 10,000 oo askari u soo dirto Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee la qorsheeyay sanadka soo socda.

Itoobiya waxay la daalaadhaceysa colaada Qowmiyado qaarkood doonaya In ay ka Go,aan maamulka Adisababa Iyadoo Somalia ay la halgameyso kooxda xagjirka ah ee Alshabaab.

Sii xoogeeysiga khilaafka Muqdisho Iyo Adisababa waxa uu Albaabada u furi doonaa kala googo,a Itoobiya iyo kororka rabshadaha argagixisada ka dagaalanta gudaha Somalia, taas oo hadii aan laga hortagin horseedi doonta Masiibo cirib xun ku reebi doonta bulshada Geeska Afrika,

Saaxada Loolanka Ma Noqon Doonto Somalia oo kaliya !!

Istaraatijiyada Madaxweyne Xasan shiiq ee Masar ku soo dartay ku lug lahaansha xiisada Geeska Afrika waxa ay Madax xanuun ku riday Abiy

Somalia waxay Masar keentay meel ay ka dharbaaxi karto Itoobiya, Iyadoo maamulka Adisababa uu qarinayo walaacooda la xiriira dib u soo noolaashaha quwadii Miltari ee Somalia oo Masar ay gacan ka geeysaneyso qalabeeyntooda

Dad badan oo Somali ah ayaa u arka heshiiska difaac ee ay Muqdisho la gashay Qaahira mid faa,iidado u leh dibdhiska ciidamada Somalia oo haatan la halgamaya amnidarada kooxaha Argagixisada, iyadoo Itoobiya ay ku adag tahay Inay aqabasho quwad la baratami karta oo ka soo ifbaxda Geeska africa

Maamulka abiy waxa uu ku mashquulsan yahay kala qaybinta Somalia isaga oo ka faa,iideeysanaya Muqdisho oo aan wax talo ah ku laheyn Hargeysa Iyadoo Qomiyadaha Itoobiya ee dagaalka kula jira Adisababa ay heystaan fursad ay suurtagal tahay Inay garab ka helaan Masaarida si ay meel mar u noqoto riyadooda ku aadan gooni Isu taaga taas oo Itoobiya ku noqoneysa ciribxumada ay ka dhaxalayso Isafgaradkii lagu degdegay

Imaanshaha Masaarida ee gobolka ay ka jirto colaadaha qowmiyadeed iyo mid xagjirnimo waxaa suurtagal ah in ay ku soo kordhiso geeska Afrika abuuritaanka juqraafi siyaasadeed oo ka dhan ah Itoobiya si qaahira ay awood ugu yeelato muranka webiga Niil