Qoor Qoor oo soo gaaray Muqdisho iyadoo ay jirto Diyaargaroowga shirka golaha wadatashiga qaran

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ka yimid Dhuusamareeb, si shirka golaha wadatashiga qaranka uu uga qeybgalo

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa galabta inta uusan ka soo bixin Dhuusamareeb kormeeray halka uu marayo dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug ayaa warbixin ka dhageystay khubarrada iyo maamulka shirkadda dhismaha garoonka Dhuusamnareeb gacanta ku haysa.

Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu qadaa inay soo gaaraan Muqdisho, sida Qoor Qoor, si shirka golaha wadatashiga qaranka ay uga qeyb galaan

Shirkaas ayaa lagu qadaa in wixii ka dambeeya labada bisha uu ka furmo Muqdisho, sida xubno xog ogaal ah ay Caasimada Online u sheegeen, waxaana madaxda lagu qanciyey inay ka soo qeyb galaan.

Ajendaha ugu weyn ee shirka waa doorashada dowlad goboleedyada, afarta dowlad goboleed ee la qorsheynayo inay madaxdooda shirka kala soo qeyb galaan madaxda dowladda federaalka ayaa bilaha soo socda geli doona doorashooyin isdabayaalla.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa ka mid ah madaxda ka cagajiideysay kasoo qeybgalka shirkaan oo muddo wajahayey dib u dhac, inkastoo aysan weli imaan Muqdisho, hadana waxaa lagu wadaa inay yimaadaan oo shirka ka soo qeyb galaan.