๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiis taariikhi ah oo gaaraya $68.5 milyan kula saxiixatay Dowladda Mareykanka. Heshiiskan waxaa si rasmi ah qallinka ugu duugay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Egeh oo dhinac ah iyo Madaxa USAID ee Soomaaliya, Catie Lott.

Heshiiskani wuxuu diiradda saarayaa dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada iyada oo loo marayo iskaashi istiraatiiji ah. Heshiiska ayaa wax ka qaban doona arrimo muhiim ah sida kobcinta dhaqaalaha, dib-u-habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada, iyo awood-siinta haweenka iyo dhalinyarada, isagoo taageeraya aragtida fog ee adkeysiga Soomaaliya.

Heshiiskani wuxuu ka turjumayaa iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, kuna saleysan himilada aan wadaagno ee ah Soomaaliya oo adkeysi leh, barwaaqo ah, oo loo dhan yahay,โ€ ayuu yiri Wasiir Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) intii lagu guda jiray xafladda saxiixa. โ€œDeeqdan waxaan ku xoojin doonaa waxbarashada, maamulka, iyo horumarinta dhaqaalaha, si loo hubiyo in dadkeena, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada, ay helaan agabka iyo fursadaha ay ku horumari karaan.โ€

Deeqda maanta ee $68.5 milyan ayaa ballaarin doonta barnaamijyada Waxbarashada Aasaasiga ah ee la Dardargeliyay, iyadoo ay ka faaโ€™iideysan doonaan in ka badan 150,000 oo carruur Soomaaliyeed ah, lana dayactiri doono in ka badan 200 fasal, taas oo siin doonta 10,000 oo arday dheeraad ah fursad waxbarasho sanad walba. Sidoo kale, deeqdan waxay kor u qaadi doontaa awoodda dowladnimo, ka-qaybgalka bulshada, iyo abuurista fursado dhaqaale oo ay haweenka iyo dhalinyarada si gaar ah uga faaโ€™iideysan doonaan.

โ€œHeshiiskani wuxuu muujinayaa muhiimadda iskaashiga u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, iyadoo xooga la saarayo dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka โ€“ haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed,โ€ ayay tiri Catie Lott, Madaxa USAID ee Soomaaliya, oo ka hadashay xafladda.

Heshiiskani wuxuu sii xoojinayaa ku dhawaad 18 sano oo Mareykanka uu taageero horumarineed siiyay Soomaaliya, taas oo kordhin doonta saameynta deeqdan ku leedahay dawladnimada, waxbarashada, iyo adkeysiga dhaqaalaha. Ujeeddada heshiiska ayaa ah in la abuuro xasillooni iyo horumar mustaqbalka fog oo laga helo bulshooyinka miyiga iyo magaalooyinka dalka oo dhan.