Taliye Cusub ee Booliska Somalia oo Shir la qaatay saraakiisha ciidanka booliska

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta guddoomiyey shirkii u horreeyay ee taliska booliska.

Shirkan oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaasha hoggaanada, fadhiyada madax-banaan iyo qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardar-galinta shaqada ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, oo haatan maraya meel xasaasi ah.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha faray in la dardar-galiyo shaqada amniga dalka iyo kan caasimadda, si loo ilaaliyo nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Taliye Asad Diyaano ayaa shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay taliyihii hore Jeneraal Sulub Axmed Firin, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Asad ayaa markaas ballan-qaaday inuu la imaan doono qorshayaal cusub oo lagu sugi doono amniga magaalada Muqdisho iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegga bulshada gobolka kasta oo Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub ayaa sidoo kale markaasi sheegay inuu ka shaqeyn doono abuurista kalsoonida ay shacabka ku qabaan ciidanka booliska Soomaaliyeed, si ay u wada shaqeeyaan.