Saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS oo ka qrybgalay shirka la dagaallanka argagixisada ee dhanka Teknoolojiyadda

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka qeybgalay shir ku saabsan la dagaallanka Argagixisada ee dhanka Teknoolojiyadda.

Shirka oo ka dhacay xarunta Isbahaysiga Militariga Islaamka ee la dagaallanka Argagixisada ee magalada Riyaad dalka Sucuudiga ayaa Soomaaliya waxaa ku matalayay u qeybsanaha Ciidanka XDS ee Isbahaysiga Militariga Islaamka ee ladagaallanka Argagixisada Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS.

Shirka waxaa kale oo ka qeybgalay wadada ku bahoobay Isbahaysiga Militariga Islaamka, kaasi oo inta uu socday looga hadlay sidii Argagixisada loogala dagaalami lahaa dhanka Teknoolojiyadda casriga ah ee maanta dunida ku talaabsatay.