Soomaaliya oo ku dhowaaqday tallaabo ay uga hortageyso Hubka Itoobiya ay dalka Ku Soo Daabuleeyso

Qorshaha Ka Hortaga Hubka Itoobiya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay qaadeyso tallaabo ay uga hortageyso hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo geliyo, kaas oo badanaa ka yimaada dhanka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda federaalka ay qorsheyneyso in ciidamo la geeyo xudduudaha dalka,si loo xakameeyo hubka sharci darrada ah.

Fiqi ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallo lagu xoojinayo amniga qaranka, laguna hortagayo hubka sharci darrada ah, oo halis ku ah xasiloonida guud ee dalka.

“Hubka sharci darrada ah ee ka imaanaya Itoobiya wuxuu khatar weyn ku yahay amniga qarankayaga. Waxaan qaadi doonaa tallaabo adag oo aan ku xakameyneyno xuduudaheena,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan xaqiijineynaa in cid kasta oo ku lug yeelata howlahaas, iyadoo aan loo eegin xaaladdooda in lagu daro liiska madow, lagulana xisaabtami doono.” 

Tallaabadan ay ku dhowaaqday dowladda federaalka Soomaaliya ay imaaneysa xilli toddobaadyadii lasoo dhaafay hub sharci darro ah oo ka yimid dhanka Itoobiya uu soo galay gudaha dalka.

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga qaado cuna-qabateynta hubka ayaa haatan ku howlan sidii ay u xakameyn laheyd hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo gelinayo, xilli uu dalka ku jiro dagaalka Al-Shabaab iyo dagaal diblumaasiyadeedka Itoobiya, oo iyadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay!!

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cade, kadib safar howla shaqo ah oo uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa, Munaasabadda soodhaweyta ayaa waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah Mudanayaasha Labada Aqal ee Baaralamaanka J.F.S, Xog-hayaha joogtada ee wasaaradda, Danjireyaal, Agaasimeyaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda, Qaar ka mid ah Howlwadeenadda Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalimiga iyo qaar ka mid ah Odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed.

Soo dhaweynta ayaa daarneyd Bogaadinta iyo taageerada Wasiirka ee ku aadan Guulihii baaxadda lahaa ee uu ka gaaray muddadii uu kumaqnaa Socdalkiisa shaqo ee xarunta Qaramada midoobey, kaasoo intiisa badan lagu faaqiday Difaaca Madaxbanaanida iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriydda Federalka Soomaaliya.