Soomaaliya oo digniintii ugu dambeysay ee hiishiiska badda siisay Itoobiya

8″ Oct”2024″ Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniintii ugu dambeysay oo la xiriirta heshiiska badda siisay dowladda Itoobiya, si ay uga laabato.

Xuseen Sheekh Cali oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in waqti badan dowladda federaalka ay siisay Itoobiya, balse aanu sameyn wax isbeddal ah, isaga oo hoosta ka xariiqay in haatan la gaaray muddadii kama dambeys ahayd.

La-taliyaha amniga qaranka oo la hadlay Wargeyska The New Humanitaria ayaa xusay in Itoobiya ay u qabanayaan ugu dambeyn inay heshiiska Somaliland uga baxdo inta lagu guda jiro bishaan October ee sanadkaan 2024-ka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray  in sii joogitaanka ciidamada Itoobiya ay ku xiran tahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan heshiiska badda ee Somaliland.

“Waxaan isku daynay inaan siino waqtiga ugu badan ee suurtogalka ah, laakiin waxaan u maleynayaa inay hadda soo dhowaaneyso ciidamada Itoobiya inay ka baxaan dalkeenna” ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay weli ku socoto gardaro iyo boobka ka dhan Soomaaliya, kaas oo ay dareemayaan shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli weli halkeedii tahay xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhalatay heshiis Abiy uu horraantii sanadkan la galay Muuse Biixi.

Soomaaliya ayaa haatan qorsheyneysa inay dalka ka saarto ciidamada Itoobiya, sababo la xiriira xiisadda taagan, waxaana lagu beddali doono ciidamo Masaari ah oo qayb ka noqon doono howlgalka cusub ee beddalayo ATMIS, marka ay baxaan dhammaadka sanadkaan.

Taliyaha militariga itoobiya oo ka jawaabay eedeyn ay Soomaaliya u jeedisay Itoobiya

Dowladda Itoobiya ayaa beenisay eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah in ay hub ku soo daabuleyso Soomaaliya.

Taliyaha militariga Itoobiya Burhaanu Jula ayaa waxba kama jirana ku tilmamaay eedeyta ka timid wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee ah in dowladda Itoobiya ay hub sharci darro ah soo galisay gudaha Soomaaliya.

Burhaanu ayaa sheegay in uusan jirin wax hub sharci daro ah oo ay Soomaaliya geeyeen.

Balse waxaa uu ka digay in haddii ay xaaladaha sidan ku sii socdaan ay ku qasbanaan doonaan inay hub geeyaan.

“Hub uma rarin, xitaa haddii aan sameyno ma aha wax aan ku ceebeysanahay, hub ma geyno Soomaaliya taa badalkeeda Xasan Sheekh ayaa hub helay, haddii ay xaaladaha sidan ku sii socdaan waxaan ku qasbanaaneyna inana geyno hub,” ayuu yiri Burhaanu.

Hadalka taliyaha ayaa daba socda hadal uu dhawaan sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ahaa in Itoobiya ay hub aan la fasaxin geynayso gobollo ka tirsan Soomaaliya, uuna soo jeediyay in Soomaaliya ay ‘taageerto jabhadaha Itoobiya’.

Taliyaha militariga Itoobiya Burhaanu Jula ayaa carabka ku adkeeyay haddii aan la joojin hadalada xanafta leh ay qaadi doonaan tallaabo intaa ka badan, balse ma sheegin nooca tallaabada uu ka digay.

“Haddii hadalada xanafta leh ee faragalinta iyo kicinta dagaal sokeeye ay sii socdaan hub oo kali ah ma ahee waxaan sameynaynaa waxyaabo kale” ayuu intaa ku daray.