Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxay Eritrea

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u ambabaxay dalka Eritrea.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulan xasaasi ah la yeelan doonaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Labada masuul ayaa la filayaa inay kulankooda uga hadlaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arimaha Geeska Afrika.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah oo safarkaan ku wehlinaya wasiirka arimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi.

Madaxweynaha ayaa isla maanta inta uusan u safrin magaalada Asmara ee dalka Eritrea tegay xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo uu gacanta ku hayo Mareykanka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka qayb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayaan ciidamo cusub oo tababar ku dhameystay Balidoogle, isaga oo tababarka usoo xiray ciidamadaas oo kamid noqonayo kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamadaan cusub ayaa sidoo kale qayb ka noqon doono howlgallada haatan socda ee dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, kauwaas oo ay hoggaamineyso dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay xerada Balidoogle kulamo kala duwan la qaadan doono saraakiisha ciidanka Mareykanka ee gacanta ku haya xeradaasi, isaga oo kala hadli doono taageerada dowladdooda ay siiso Soomaaliya.