Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay horumarinta Waxbarashada

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo booqasho hawleed ku jooga magaalada Oslo ee Caasimadda dalka Norway ayaa kulan la yeeshay Wasiiru-dowlaha Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Norway, Marwa Bjork Sandkjaer.

Waxa ay labada Wasiir si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee labada dal ee ku aaddan waxbarashada iyo guud ahaan hindisayaasha horumarineed ee diiradda saaraya awood siinta iyo xirfad-u-yeelidda bulshada dhallinta yar ee Soomaaliyeed, si ay u hoggaamiyaan koboca iyo horumarka dhaqaale ee ay Soomaaliya hiigsanayso.