Muranka ku gadaaman kursiga Saalax Axmed iyo waxa uu ka qabo xeerka Aqalka Sare

Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka horyimid talaabadii guddoomiyaha Aqalka sare uu Shalay uga xayuubiyay xubinimadii kursiga Golaha Aqalka sare.

Bayaan uu soo saaray maanta ayuu Mr Saalax wax lala yaabo ku tilmamaay go’aanka gudoomiyaha aqalka sare.

Waxaa uu farta ku fiiqay in tallaabada gudoomiyaha ay tahay mid baal-marsan shacriga iyo dastuurka dalka.

“Waxaan halkan ka caddeynayaa in warqadda uu soo saaray guddoomiye Cabdi Xaashi inaanay lahayn wax saldhig sharci ah oo ay tahay waxba kama jiraan” ayuu yiri bayaankiisa ku yiri Saalax Axmed Jaamac

Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa carabka ku adkeeyay in uusan jirin sanatar awood u leh in u aqalka ka saaro senatar kale.

“Waxaa ayaan-darro ah in gudoomiyaha aqalka sare uu soo saaro go’aan shaqsi ah oo baalmarsan go’aanka golaha aqalka sare soo-jeedintii gurracneyd, ma jiro sanatar awood u leh in uu aqalka ka saaro sanatar kale” ayuu yiri mr Salax.

Gudoomiye Cabdi Xaanshi

Hadalka Raysal wasaare ku xigeenka ayaa ka dambeeyay ka dib markii uu shalay gudoomiyaha golaha shacabka shaaciyay in uu xilka ka qaaday.

Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Qaar ka mid ah sanatarada ayaa si wayn uga horyimid go’aanka gudoomiyaha aqalka sare.

Arrinta doodda ugu wayn ay ka dhalatay ayaa waxaa ka mid ahaa markii uu gudoomiye Cabdi Xaanshi uu aqalka ugu wargaliyay in uu doonayo in isla kalfadhigaa shalay xilka loogu dhaariyo sanatarkii badali lahaa Mr Saalax.

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) oo aqalka ka hor hadlayay ayaa sheegay in qofka xilka loo doorainayo ay tahay in uu doorasho ku yimaado islamarkana digeeto aysan cidna senatar ku noqon kari.

“Waxaan ka hadlayaa haddii uu qofka xilka waayo siduu kursiga ku soo qaadan karaa waxaa uu ku soo qaadan karaa doorashii uu ku soo qaatay qofkii xilka waayay in kan badalayana uu ku soo qaato, hal qof o digreeto lagu dhaarin karo kuma jiro golayaasha marka gudoomiye adigaa noogu wayn sharcigana haya, hadii midka hore qaloocdana midka dambana waa qaloocanayaa marka waxay dhalaysaa in anaga oo dhan anaga oo maqan digreeto nagula badalo,” ayuu yiri Senatar Dhagdheer.

Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa dhankiisa yiri” “Haddii Senator walba uu Cabdi Xaashi badali karo mid kalena soo magacaabi karo… waxay noqoneysaa taariikh qaran jab ah, Bal waa kaase badal 54-ta senator oo idil”

.

Maqnaanshaha senatarada ee kalfadhiyada

Abukate zakariye oo ah khabiir dhanka dastuurka ayaa sheegaya in hay’ad walba oo dowladda ka tirsan ay leedahay xeer hoosaadyo ay tahay in lagu dhaqmo.

Waxaa uu sheegay in hay’adaha dowladda oo ay ka mid yihiin aqalada sharci dajinta ay leeyihiin xeerar u dagsan oo lagu shaqeeyo islamaarkana lagu nidaamyo habka ay shaqada u soconayso.

“Hay’ad kasta oo jirta wuxuu leeyahay xeer hoosaadyo oo lagu nidaaminaayo shaqada la qabanayo, waxa qofku qabanayo, fasaxyada, waqtiga shaqada waxaasi oo dhan lagu nidaamiyo,” ayuu yiri abukate Zakariye.

Waxaa uu dhanka kale sheegay in aqalada sharci dajinta ay leeyihiin waqti cayiman oo qofka haddii uusan kalfadhiyada ka soo qeyb galin uu xilkiisa ku waayni karo.

“Waxaa la dhihi karaa in la yiraahdo kalfadhi kasta ama bilooyinka ay kalfadhiyada socdaan waa in ugu yaraan in uu hal kulan yimaado, haddii uu labo kalfadhi uu imaan waayo hal kulan, xilka ayuu waayi karaa, kalfadhi kastana waxaa uu socon karaa ilaa 20 kulan,” ayuu intaa ku daray.

Abukate zakariye ayaa dhanka kale xusay in haddii uu xildhibaanak ama senatarka uu ka maqnaanayo kafadhiyada ay tahay in uu haysto fasax ama cudur daar.

“Waa laga yaabaa in qiil ay sameystaan oo ay kensadaan oo warqado dhakhtar ay soo dirsadaan inay cudur-daar sameystaan oo ay yiraahdaan fasax saddex bilood ah ha nala siiyo, wxaas oo dhan ayaa dhici kara marka taasi baaritaan ayay u baahan tahay,” ayuu yiri Abukate Zakariye.