Wasiir Fiqi oo soo dhaweeyay wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Siyaasadda 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macalin Fiqi, iyo Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadda, Rosemary A. DiCarlo, intii ay ku guda jirtay booqashadeedii Muqdisho.

Danjire Fiqi ayaa H.E. DiCarlo uga warbixiyay horumarka dhinaca amniga ee Soomaaliya ku tallaabsatay, shirka Golaha Wadatashiga Qaran, iyo soo jeedinta DF ee ku aadan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Sidoo kale, H.E. DiCarlo ayaa xaqiijisay taageerada ay Qaramada Midoobay u fidinayso Soomaaliya, gaar ahaan kooxda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, taasoo uu Danjire Fiqi si weyn u soo dhaweeyay, isagoo sheegay in kooxdaasi ay ka shaqeyn doonto New York iyo gudaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.