ONLF oo dib u qiimaynaysa heshiiskii nabadda ee ay la galeen Itoobiya

Ururka ONLF ayaa sheegay inay dib u qiimaynayaan heshiiskii nabada ay la galeen dowlada Itoobiya sanadkii 2018-kii, kaas soo afjaray dagaal muddo dheer ah oo dhinacyada dhexmarayey. Waxaa uu urrurku sheegay in aanay dhaqan gelin qaar kamid ah qodobadii lagu heshiiyay 6 sano ka hor.

Muxuu ku saabsanaa heshiiskii ay galeen Itoobiya iyo ONLF?

Afhayeenka ONLF, Cabdiqaadir Xassan Hirmooge ( Caddaani) oo wareysi gaar ah BBC-da siiyay ayaa sheegay in heshiiska uu ahaa in hadafkii ONLF ee ahaa in xuquuqda dadka iyo dhulka ay dagaalka ku raadin jirtay ay nabad ku raadiso.

“Waxaa kale oo uu ku saabsanaa in dhibaatada dhex taalla Soomaalida iyo Itoobiya ama “dadka Soomaaliyeed ee Ogaadeeniya” oo laga wadahadlo khilaafka asalkiisii oo xal loo raadiyo loona saaro guddiyo heer deegaan, kuwa Federaal iyo xubno ka tirsan ONLF si loo helo xididka dhibaatada la isku hayo.”

“In dadkayagii uu dagaalka saameeyay oo u qaxay dalalka dariska ah ee Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti iyo dalal kaleba dib loo soo celiyo oo dib u dejin loo sameeyo iyo meeleynta ciidankii xoreynta Ogaadeeniya ee ururka xubnihiisa ahaa,” ayuu yiri Afhayeenka ONLF, Cabdiqaadir Xassan Hirmooge ( Caddaani

Maxaa ka dhaqan galay qodobbadaas?

“Waxa keliya ee ka dhaqan galay ayaa ah in nabad aan ku wada joogno oo lixdaas sano si guud nabad baan ku halgameynay laakiin qodobbadii ku saabsanaa ciidanka ma hirgelin, qodobbadii ku saabsanaa dib u dejinta dadkii ay dagaalladu saameeyeen ma hirgelin, guddiyadii in wadahadalka inuu sii socdo ahayd ee lagu raadinayay xalka dhibaatada aasaaskeeda iyo meesha ay ka timid wax yar baa ka bilowday horeyna uma soconin,” ayuu Cabdiqaadir Xassan Hirmooge ( Caddaani).

Maxaa hadda keenya in ONLF ay dib u eegis ku sameeyo heshiiskii ay la gashay Itoobiya?

Cadaani ayaa sheegay in Itoobiya ay ku jirtay xilli kala guur ayna waqti siiyeen.
Qoraalka sawirka,Cadaani ayaa sheegay in Itoobiya ay ku jirtay xilli kala guur ayna waqti siiyeen.

Cadaani ayaa sheegay in Itoobiya ay ku jirtay xilli kala guur ayna waqti siiyeen.

“Waqti baan siinnay, Itoobiya xilli kala guur ah ayay ku jirtay talis is baddalay oo talis cusub yimid, gar bay ahayd inaan waqti siinno, isbadal baa ka dhacay deegaankayaga, tan kale marar badan baan qiimeeynay oo qoraal baan u dirnay dowladda Itoobiya inagoo xusnay arrintan marka qiimeyntan waxa ay ka mid tahay kuwii hore un balse waxa ay ku aadday xilli xasaasi ah oo geeska Afrika ay xaalado ka taagan yihiin kuwaas oo na saameynaya, marka marxalad inaan indhaha kala qaadno ah ayaanu mareynaa,” ayuu yiri afhayeen Caddaan

Bishii September ee sannadkan Ururka ONLF ayaa ka jawaabay hadal la sheegay in uu ka soo yeeray taliyaha militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula.

Bayaan ay soo saartay ayey ku sheegtay in ay dowladda Itoobiya ay uga fadhiyaan in ay faahfaahin ka bixiso, islamarkaana ay kala caddeyso hadalka taliyaha.

Afhayeenka ONLF oo markaas BBC la hadlay ayaa sheegay in arrintan ay la yaab ku noqotay islamarkaana aan al aqbali karin.

Cabdulqaadir Xassan Hirmooge (Caddaani) ayaa farta ku fiiqay in ONLF ay hadalkaas u aragto daandaansi.

“Wax yaab ah ayay noqotay oo nagu cusub, in lugaha geedaha lagu marmaro oo xoogag Itoobiya ay col yihiin lagu tilmaamo inay naga dambeeyeen arrimahaas daandaansi ayaan u aragnaa”

Hadalka ONLF ayaa daba socday hadal la sheegay inuu dhawaan jeediyay taliyaha guud ee militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula.

Hadalka ONLF ayaa daba socday hadal la sheegay inuu dhawaan jeediyay taliyaha guud ee militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula.
Qoraalka sawirka,Hadalka ONLF ayaa daba socday hadal la sheegay inuu dhawaan jeediyay taliyaha guud ee militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula.

Codka la sheegay inuu yahay kan Birhanu oo dhowaan laga sii daayay mid ka mid ah warbaahinta gudaha Itoobiya, ayaa wuxuu ku sheegay in Masar ay tahay cadawga taariikhiga ah ee Itoobiya, islamarkaana ay abuurtay jabhado ka dhan dowladda Itoobiya, ayna ka mid tahay ONLF. Balse dowladda Itoobiya iyo ciidamadaba ma aysan xaqiijin.

Sanadkii 2018 ayay ahayd markii ay ONLF iyo dowladda Itoobiya ay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritreya.