Muqdisho: Kudhowaad 9 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Iskoolbolisiya

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Iskool Plozia ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo uu fuligay ruux watay Jaakad ay qaraxyo ka buuxaan ayaa beegsaday maqaayad ay dad badan fadhiyeen, iyadoo dadka fadhiyay ay ku jiraan askar iyo saraakiil ciidan

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa gaaray goobta uu qaraxa Ismiidaaminta ka dhacay waxaana ay halkaas ka bilaabeen qaadista dadka ay waxyeelada kasoo gaartay Ismiidaaminta

Goobjoogayaal ayaa ku warranay in qaraxa ay ku nad waayeen dad gaaraya 10 ruux, halka dhaawaca uu ka badan yahay intaasi.

Dadka qaraxa ku dhintay waxaa kamid ah Gaashaanle Cabdixakiin oo ahaa madaxa amniga ee Isbitaalka Yardemeli & Abwaan Sugaal

Sheekh Shariif oo war culus ka soo saaray qaraxii galabta iyo geerida Abwaan Sugaal

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo qoraal ka soo saaray qaraxii galabta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa si adag u cambaareeyey weerarkaas argagixiso ee qof naftiisa haligay uu la beegsaday goob ay bulshadu ku nasato oo ku taalla Akademiyada Booliska ee Jeneraal Kaahiye.