Ergeyga QM oo soo jeediyey in la kala qeybiyo Saxaraha Galbeed

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Saxaraha Galbeed ayaa soo jeediyay in dhulkaas loo kala qeybiyo Morocco iyo jabhada Polisario ee madax-banaanida dooneysa si loo xaliyo colaadda soo jiitameysay tobanaan sano, wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidaas ogaatay Khamiistii.

“Waxaan si taxaddar leh dib ugu eegay oo aan u ballaariyay dhammaan dadka ay khusayso fikradda kala qeybinta dhulka,” Staffan de Mistura ayaa sidaas yiri intii lagu jiray kalfadhi xiran oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu yeeshay Arbacadii.

Saxaraha Galbeed waxaa inta badan gacanta ku haysa Morocco, balse Jabhadda Polisario ee ay Algeria taageerto ayaa u ololaynasay madax-bannaanida dhulkaas tan iyo ka hor intii aanu gumaystaha Spain ka bixin sannadkii 1975-kii.

Qaramada Midoobay waxay u aragtaa “dhul aan madax-bannaanayn”.

Rabat, oo maamusha ilaa 80 boqolkiiba baaxadda dhulkan, ayaa u ololaysa qorshe is-maamul xaddidan lagu siinayo Saxaraha Galbeed, ayada oo uu qeyb ka ahaanayo Morocco.

Polisario ayaa ku baaqaysaa afti aayo ka tashi oo Qaramada Midoobay mas’uul ka tahay, taasi oo la qorsheeyay markii xabad joojin la saxiixay 1991-kii, balse aan marnaba la fulin.

De Mistura, oo ah 77-jir diblomaasi Talyaani-Swedish ah, wuxuu ahaa ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ee dhulka saddexdii sano ee la soo dhaafay.

“Doorashada noocan oo kale ah waxay mar ogolaan kartaa abuurista dawlad madax-bannaan oo ku taal qaybta koonfureed, marka kalena, in inta kale ee dhulka uu qayb ka noqdo Morocco, oo lahaaneysa madax-bannaanidiisa iyadoo si caalami ah loo aqoonsan yahay,” De Mistura ayaa sidaas u sheegay Golaha Ammaanka.

Islamarkaana, waxa uu qiray “ma jirto calaamad muujinaysa rabitaan ah in laga fekero in la sahamiyo oo ka imaneysa dhanka Morocco ama Frente POLISARIO.”

Polisario waxa ay sheegtay in qorshuhu uu ku guul daraystay in uu “ilaaliyo” xaqa ay dadka Sahraawi u leeyihiin aayo ka tashigooda.

Sidi Omar, wakiilka Polisario ee Qaramada Midoobay, ayaa qoraal uu soo dhigay X ku sheegay in dhaq-dhaqaaqa “si adag u xaqiijinayo diidmo adag oo ku aadan ‘wax hindise’ ama ‘soo-jeedin ah’,