Markab ay soo dirtay dowladda Turkiga oo yimid Muqdisho

Dekedda wayn ee magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray markab sida shixnad gargaar ah, kaas oo ay soo dirtay dowladda Turkiga.

Markabkan ayaa waxaa la wareegay dowladda federaalka, ayada oo ra’iisul wasaare ku xigeenka, guddoomiyaha SoDMA, safiirka Turkiga iyo mas’uuliyiin kale ay tageen dekedda.

“Munaasbad kooban oo ka dhacday Dakedda weyn ee Muqdisho, ayaa maanta DFS waxa ay kula wareegtay Markab weyn oo sida shixnad gargaar ah oo dowladda Turkiga ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed ee talabaalaysan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay SoDMA.

Gargaarkaan ayaa ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, Teendhooyin iyo waxyaabo kale oo aas-aasi u ah nolasha, kuwaas oo dhan 3,000 oo tan” ayaa la sii raaciyay warsaxaafadeedka kasoo baxay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.

SoDMA ayaa balllan qaaday in gargaarkan loo geyn doono dadka mudan ee haatan ku tabaaleysan gudaha Soomaaliya. “Gargarkaan dadkii mudnaa ayaan gaarsiin donnaa , waana uga mahadcelinaynaa dowladda Turkiga garab istaagooda.” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Macallin.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo goobjoog ahaa munaasabadda ayaa dawladda Tukiga uga mahadceliyey iskaashiga iyo garab istaagga walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan.

Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, waxaana si weyn loogu xasuustaa garab istaagii uu u muujiyay shacabka 2011-kii, xilligaas oo ay abaar ka jirtay dalka.